Puntland oo xeradii labaad kala wareegtay ciidanka PSF ee taabacsan DF Soomaaliya

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – War-saxaafadeed kasoo baxaya ciidamada difaaca Puntland ayaa lagu sheegay in maanta ay si rasmi ah ula wareegeen taliskii iyo xaruntii ay deggenaayeen ciidamada PSF ee magaalada Boosaaso, isla markaana ay hadda si buuxda u maamulayaan.

Puntland ayaa sheegtay in howlgalka lagula wareegay xeradan uu daba socday howlgalkii amni ee shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaas oo iyana lagu beegsaday xeradii ciidamada PSF ay ku lahaayeen waqooyiga Gaalkacyo oo ay ugu dambeyn gacanta ku dhigtay Puntland.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka intii uu socday howlgalkii Gaalkacyo, ciidanka Puntland waxay gacanta ku dhigeen 101 eedeysane, halka sidoo kale la qabtay 60 qof oo dhaawac ah. Waxaa intaa dheer in lala wareegay hub, rasaas, gaadiid iyo agab ciidan oo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin tuutayaal Boolis, jeebbooyinka gacanta lagu xiro (handcuffs), kabaha Booliska iyo qalab kale oo ay ku jiraan agab ka mid ahaa deeqihii Dowladda Shiinaha ugu deeqday Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegay in ujeedada ugu wayn ee howlgaladan ay yihiin kuwa lagu sugayo amniga, laguna ilaaliyo shacabka iyo sarreynta sharciga.

“Ciidanka Difaaca Puntland waxay caddeynayaan in dhammaan hawlgallada lagu fulinayo si waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda dalka, iyadoo ujeeddadu tahay sugidda amniga, ilaalinta shacabka, xoojinta hay’adaha dawladda iyo dhaqangelinta sarreynta sharciga,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo bayaanka farriin loogu diray ciidamada aan ka tirsaneyn kuwa Puntland ee ku sugan deegaannadaas, iyada oo loogu baaqay inay isa soo dhiibaan.

Ciidanka Difaaca Puntland waxay ugu baaqayaan dhammaan kooxaha hubaysan iyo shaqsiyaadka weli ku sugan deegaannada kala duwan inay isku soo dhiibaan Dawladda Puntland, kana faa’iidaystaan fursadda ay ugu soo laaban karaan nidaamka sharciga.

Sidoo kale  digniin adag loo diray cid kasta oo gabaad, taageero ama kaalmo siisa kooxaha firxadka ah, maadaama lagula xisaabtami doono si waafaqsan sharciga.

“Ciidanka Difaaca Puntland waxay mar kale ku celinayaan in cid kasta oo diidda inay u hoggaansanto awaamiirta hay’adaha amniga laga qaadi doono tallaabooyin adag oo waafaqsan sharciga, iyadoo la sii wadi doono hawlgallada lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida iyo kala dambeynta guud dalka,” ayuu kusii daray warsaxafadeedka.

Ugu dambeyn, ciidanka difaaca Puntland ayaa shacabka ugu baaqay inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta ay la leeyihiin hay’adaha amniga, isla markaana ay soo gudbiyaan xog kasta oo la xiriirta kooxaha ama shaqsiyaadka ku lug leh falalka amni-darrada ah iyagoo wacaya lambarka gaaban ee 999. Dawladda Puntland waxay dammaanad qaadaysaa ilaalinta sirta iyo badbaadada cid kasta oo bixisa xog lagu sugayo amniga.

- Advertisement -

Read more

Local News