Puntland: Weerarki Gaalkacyo ma aheyn mid argagixiso

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Axmed Muuse Nuur ayaa ka hadlay weerarkii xalay lagu qaaday saldhigga Booliska waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi.

Axmed Muuse Nuur aya sheegay in weerarkaasi uu dhaawac fudud uu ka soo gaaray hal qof, islamarkaana uusan jirin khasaare kale oo uu geystay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in weerarka uusan aheyn mid argagixiso, islamarkaana ay ka dambeeyeen dad doonayey inay qal-qal galiyaan amniga, sida uu hadalka u dhigay.

“Wallaahi, hadda arrintan dhacday, ma aha Argagixisadii noocaa uma shaqeeyaan, waxaan isleeyahay, waa dad khalkhalinaya Amniga magaalada, meel kale kama imaan maaha Argagixisada farsamadeedu noocaas, wax iskama tuuraane waxbay bi’iyaan ay hubaan.” ayuu yiri Guddoomiyaha maamulka gobolka Mudug ee maamulka  Puntland,

Ugu dambeyn wuxuu sheegay inay socdaan baaritaano, islamarkaana gacanta lagu soo dhigi raggii ka dambeeyey falkaasi.

Dableydii weerarka geysatay oo aan la garaneyn heybtooda iyo inta ay taradoodu dhameed ayaa goobta iskaga baxsaday.

Muddooyinkii la soo dhaafay xaaladda Gaakacyo ee koonfur iyo waqooyi ayaa aheyd mid degan, waxaana baaritaano ka waday ciidamada isku dhafka ee ku sugan halkaasi.