Putin oo taageeray Taalibaan una digay Reer Galbeedka

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa taageero u muujiyey kooxda Taalibaan oo la wareegtay gacan ku haynta dalka Afghanistan, wuxuuna ka digay cadaadiska ay dalalka Reer Galbeedka isku dayayaan inay kooxdaas saaraan.

Madaxweyne Putin oo hadlayey kadib kulan uu maanta Moscow kula yeeshay ra’iisul wasaaraha Jarmalka Angela Merkel, ayaa sheegay in dalalka kale ee caalamka, oo uu la jeedo reer galbeedka, aysan qiyamkooda ku qasbin kuna soo rogin Afghanistan.

Reer Galbeedka ayaa horey u sheegay inaysan aqoonsan doonin dowladda Taalibaan haddii ay soo rogto xukun shareecada Islaamka ah, islamarkaana aysan dhowrin xuquuqda haweenka.

“Xaqiiqdu waxay tahay in Taalibaan ay hadda la wareegtay gacan ku haynta Afghanistan,” ayuu yiri Putin.

Puntin ayaa sheegay inuu rajeynayo in Taalibaan ay ka dhabeyn doonaan ballan-qaadyada ay sameeyeen ee ah inay dib usoo celin doonaan kala dambeyntii Afghanistan, isaga oo sheegay in taasi ay muhiim u tahay in laga hortago in argagixisada ay u gudbaan dalalka deriska la ah.

Waxa uu ugu baaqay bulshada caalamka inay ka hortagaan “burburka” Afghanistan. 

Dhinaca kale, safiirka Ruushka ee Afghanistan Dmitry Zhirnov ayaa amaanay hab dhaqanka Taalibaan ee tan iyo intii ay xukunka la wareegeen, wuxuuna sheegay inaysan jirin beddel ka wanaagsan kooxdan, islamarkaana iska caabin kasta oo ka dhan ah Taalibaan ay fashilmi doono.

Danjire Zhirnov ayaa sheegay in ammaanka magaalada caasimadda ah ee Kabul uu aad uga wanaagsan yahay sida uu ahaa inta aysan qabsan Taalibaan.

“Waxaa halkan ka jiray talis xun oo hadda la waayey, dadkuna rajo ayey qabaan. Waxay leeyihiin xaaladda kama xumaan karto sidii hore, waa inay ka wanaagsanaataa. Hase yeeshee tani waa tijaabo kale oo ay tahan in Taalibaan ay ka gudbaan. Marka ay soo celiyaan kala dambeyna waa inay billaabaan horumarinta dhaqaalaha bulshada,” ayuu yiri danjire Dmitry Zhirnov.

Hadallada Dmitry Zhirnov iyo kuwa madaxweyne Putin ayaa astaan u ah sida Ruushka u doonayo inuu sii adkeeyo xiriirka kala dhaxeeya Taalibaan, inkasta oo weli uusan si rasmi ah aqoonsan.