Qalbi-Dhagax oo ku wajahan Caasimadaha Puntland & Galmudug (Ujeedka)

Muqdisho (Caasimada Online)-War lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Sarkaalka ONLF Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax uu booqan doono Caasimadaha Puntland iyo Galmudug.

Qalbi Dhagax oo hadda ku sugan magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa sheegay inuu dhawaan booqan doono Puntland iyo Galmudug oo ka mid ah maamul-goboleedyada Somalia.

Nuqul kamid ah hadalka Qalbi-dhagax ayaa ahaa “Booqashadeyda Hargeysa kadib waxaanu aadi doonaa Puntland iyo Galmudug waxa aana halkaa kula kulmi doonaa madaxda maamulada”

Waxa uu sidoo kale Qalbi- Dhagax sheegay in qorshihiisa Safar uusan ku jirin magaalada Muqdisho, waxa uuna sababta ku sheegay inay tahay Saldhiga looga gacan galshay Ethiopia.