Qaramada Midoobay oo ka digtay in Soomaaliya ay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in Soomaaliya ay wajahdo khatar sii kordheysa oo ka dhalan karta roobabka la xiriira ifafaalaha El Niño, iyadoo la saadaalinayo in xilliga roobabka ee u dhexeeya bilaha October iyo December uu sababi karo fatahaado baahsan oo saameeya qaybo badan oo dalka ah.

Warbixin ay soo saartay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku-duwidda Arrimaha Bani’aadannimada (OCHA) ayaa lagu sheegay in hay’adaha gargaarka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sare u qaadeen heerka diyaar-garowga, iyagoo diyaariyay qorshayaal degdeg ah, qiimeyn khataro iyo hannaan isku-duwid ah oo heer federaal iyo heer dowlad-goboleedba ah.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in qorshayaashan ay salka ku hayaan casharradii laga bartay musiibooyinkii sanadkii 2023, markaas oo fatahaado iyo abaaro is biirsaday ay barakiciyeen ku dhowaad 2.3 milyan oo qof, isla markaana ay sababeen xaalad bani’aadannimo oo aad u daran.

Warbixintu waxay xustay in Soomaaliya ay weli la daalaa-dhaceyso dhibaatooyin is biirsaday oo ay ka mid yihiin abaaro soo noqnoqday, fatahaado, colaado hubeysan iyo hoos u dhac weyn oo ku yimid maalgelinta howlaha gargaarka bani’aadannimo.

Hay’addu waxay sheegtay in qiyaastii 6.5 milyan oo qof, oo u dhiganta ku dhowaad saddex meelood meel shacabka Soomaaliya, ay wajahayaan cunto yari ba’an. Sidoo kale, deegaanno ka tirsan koonfurta dalka ayaa weli halis ugu jira macluul, halka ku dhowaad 1.9 milyan oo carruur ah ay la ildaran yihiin nafaqo-darro ba’an, kuwaas oo ku dhowaad 500,000 ay qabaan nafaqo-darro aad u daran.

Qaramada Midoobay ayaa xustay in gargaarka bani’aadannimo uu weli yahay tiirka ugu muhiimsan ee ay malaayiin Soomaali ah ku tiirsan yihiin, hase yeeshee maalgelin la’aanta jirta ay ku qasabtay hay’adaha samafalka inay yareeyaan adeegyo badan oo naf-badbaadin ah.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Qorshaha Jawaabta Bani’aadannimo ee Soomaaliya ee sannadka 2026, oo lagu qiyaasay 852 milyan oo doolar, uu helay oo keliya ku dhowaad saddex meelood meel dhaqaalihii loo baahnaa, inkastoo in ka badan kala bar sannadka uu dhammaaday.

Dhanka kale, OCHA waxay tilmaantay in saameynta dadban ee colaadaha ka socda Bariga Dhexe ay sii kordhisay culayska dhaqaale ee saaran qoysaska Soomaaliyeed, iyadoo qiimaha qaar ka mid ah raashinka gudaha uu kor u kacay illaa 20 boqolkiiba.

Qaramada Midoobay ayaa ugu dambeyn ku baaqday in la xoojiyo maalgelinta iyo dadaallada gurmadka degdegga ah, si Soomaaliya loogu diyaariyo fatahaadaha la filayo iyo caqabadaha kale ee bani’aadannimo, loogana hortago in xaaladda shacabka nugul ay kasii darto bilaha soo socda.

- Advertisement -

Read more

Local News