Qarax ay ku dhamaaden ciidamo ka tirsan DFS oo ka dhacay..

Muqdisho (Caasimada Online)-Qaraxaani oo ahaa mid aad u culus ayaa ka dhacay deegaanka Buulomareer ee hoostaga Degmada Kuntuwaareey ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxaani ayaa la sheegay in lagu weeraray ciidamo ka tirsan dowlada kuwaasi oo la socday gaadiidka ciidanka oo deegaankaasi maraayay.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad Seddex Askari, halka dhaawac uu kasoo gaaray ilaa Shan kale oo gabi ahaan ka tirsanaa ciidamada milliteriga.

Ciidamada dhaawacmay ayaa la sheegay in deegaankaasi looga soo daabulay diyaarado Helikobter ah oo ay leeyihiin ciidamada AMISOM.
Qaraxa lala eegtay gaariga ay ciidamada ku dhamaaden ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay maleeshiyaadka Al-shabaab.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee la xiriira Qaraxaasi uu khasaaraha ka soo gaaray Ciidamada dowladda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com