Qarax bambo oo caawa ka dhacay magaalada Hargeysa

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa sheegaya in caawa uu magaalada ka dhacay qarax bambo-gacmeed.

Bambada ayaa la sheegay inay ku qaraxday shaqsi aan weli si rasmi ah loo aqoonsan, kaas oo sida wararku sheegayaan gacanta ku hayay xilliga uu qaraxu dhacay.

Dhawaaqa qaraxa ayaa si weyn looga maqlay qeybo kamid ah xaafadda Biibsiga ee magaalada Hargeysa, halkaasi oo la sheegay inuu qaraxu ka dhacay. Dadka deegaanka ayaa sheegay inay argagax ku abuurtay dhacdadu.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo-wareedyo goobjoog ah, bambada ayaa qaraxday xilli uu qofka gacanta ku hayay uu fara-fareynayay, taas oo sababtay in uu dhaawac kasoo gaaro qaraxa.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dhaawac culus uu soo gaaray qofkii gacanta ku hayay bambada iyo qof kale oo goobta ka ag dhawaa, kuwaas oo la sheegay in qaraxu uu si weyn u waxyeelleeyay.

Ilaa hadda lama soo sheegin khasaare kale oo ka dhashay qaraxa, waxaana weli socda xog uruurinta ku saabsan dhacdada iyo xaaladda dadka waxyeelladu kasoo gaartay.

Ciidamada ammaanka Somaliland ayaa si degdeg ah u gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, iyagoo halkaasi ka wada baaritaanno.

Wixii kasoo kordha dhacdadan kala soco Caasimada Online.

- Advertisement -

Read more

Local News