Qarax ka dhacay Muqdisho iyo Sheekh Yuusuf Cali Ceynte oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax culus ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Hotel Weheliye ee magaalada Muqdisho, kaasi oo la sheegay in lagu xiray gaari uu lahaa mas’uul hore.

Qaraxa oo inta badan laga wada maqlaayay degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa gaariga loogu xiray Ex Xildhibaan Yuusuf Ceynte oo ah Aabaha dhalay Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga C/raxmaan Ceynte.

Sheekh Yuusuf Ceynte ayaa sidoo kale ah guddoomiyaha majmaca culimada Soomaaliyeed.

Gaariga Qaraxa lagu xiray ayaa waxaa la sheegay in noociisa uu ahaa Karom kaasi oo xiliga uu qarxaayay hor yiilay Hoteel Wehliye hortiisa.

Xiliga Qaraxa ayaa waxaan gaariga la soconin Ex Xildhibaan Yuusuf Ceynte mana jirto cid khasaaro uu kasoo gaaray gaariga markii laga reebo wiil dhalinyaro ah oo firirka Qaraxa oogada ka saameeyay.

Sidoo kale, Ex Xildhibaan Yuusuf Ceynte, ayaa waxa uu kamid yahay Hay’adda Culimada Soomaaliyeed waxa uuna inta badan kasoo horjeeda dhibta ay maleeshiyaadka Alshabaab ku hayaan shacabka.

Dhanka kale, Qaraxa kadib ayaa waxaa halkaasi buux dhaafiyay Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan dowlada kuwaasi oo baaritaan kula dhaqaaqay gaariga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com