Qarax gaari oo ka dhacay magaakada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax saaka ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo jugtiisa laga maqlay qaar kamid ah xaafadaha magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa mid lagu xiray gaari Kaarib ah oo marayay agagaarka Seybiyaano ee degmada Hodon, waxaana la sheegayaa in gaariga uu goobta ku gubtay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhex dhacay gaari ku xardhanaa calaamadda ciidamada booliska, waxaana la sheegayaa in loo malaynayo in ruux sarkaal ah loogu xiray.

Dad Shacab ayaa oo ku sugnaa goobta gaariga ku qarxay ayaa la sheegayaa inay waxyeelo kasoo gaartay qaraxa ka dhacay degmada Hodon ee gobolka Banaadir.

La soco waxii kasoo kordhaa Insha allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com