Faah-faahinta QARAXII is-miidaaminta ee Muqdisho iyo khasaaraha ka dhashay

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo galabta qorax dhicii ka dhacay agagaarka isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Sida ay xaqiijiyeen booliska iyo goobjoogeyaal, ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay, shan kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxa, oo uu fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa.

Qofka is-miidaamiyey ayaa beegsaday maqaayad ku taalla isgoyska, oo ay ku badan yihiin ciidanka dowladda Soomaaliya. 

Laba ka mid ah dadka dhintay ayaa ka tirsanaa ciidamada ammaanka Soomaaliya, sida uu sheegay Maxamed Cali oo ah sarkaal boolis oo ku sugnaa goobta.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Isla markii uu qaraxa dhacay waxaa goobta isku geedaamay ciidamada dowladda oo hakiyay isu socodka gadiidka iyo dadka. Goobjoogayaal ka ag dhowaa halka uu qaruxu ka dhacay ayaa sheegay inay arkayeen gawaarida gurmadka deg deg ah oo kusii qulqulaya goobta qaraxa uu ka dhacay.

Caasimada Online ayaa toddobaad kahor 12-kii bishan qortay xog aan kasoo xiganay hay’adaha amniga oo sheegeysa in Muqdisho ay soo galeen ugu yaraan 13 qof oo damacsan inay magaalada ka fuliyaan qaraxyo is-miidaamin ah.

Baaritaanada iyo feejignaanta amni ee Muqdisho ayaa aad loo dareemay maalmihii la soo dhaafay.

Tan iyo markii dowladda federaalka ay waddooyinka Muqdisho ku wada goysay dhagxaan, kooxda Al-Shabaab ayaa xeeladdeeda qaraxyada u wareejisay shaqsiyaadka isku xira jaakadaha qarxa, kuwaas oo ay adag tahay in laga hortago, waxaana kadib kordhay qaraxyada is-miidaaminta ah ee magaalada. 

Dadka fallanqeeya amniga ayaa dowladda ku eedeeyey inaysan laheyn wax qorshe amni ah oo aan ka aheyn in waddooyinka ku goysay dhagxaan.