Ciidamada dalka Ethiopia oo lala helay qarax jab culus gaarsiiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxaani oo ahaa mid aad u xoogan ayaa waxaa lala eegtay Kolonyo gaadiid dagaal oo ay la socdeenn ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah howlgalada AMISOM.

Ciidamada ayaa waxaa Qaraxaani lagula eegtay Degaanka Rabdhuure ee Gobolka Bakool, waxaana ka dhashay khasaaro naf iyo maalba leh.

Qaraxa ayaa waxaa ku naf waayay ilaa Seddex ruux, waxaana sidoo kale uu dhaawac kasoo gaaray Lix kale oo ay ku jiraan ciidamada Ethiopia.

Ciidamada Ethiopia ayaa rasaas ooda ka qaaday Qaraxa kadib waxaana sidoo kale rasaastaasi ku dhintay ilaa Afar ruux oo shacab ah.

Qaraxa ayaa sidoo kale burburiyay laba gaari oo ay lahaayen ciidamada Ethiopia, iyadoo mid kamid ah ay ciidamada jiiteen.

Qaraxan ayaa waxuu dhacay xili Ciidamada Ethiopia ay doonayeen in ay markale dib u qabsadaan Degaanka Rabdhuure maadaama halkaasi ay isaga baxeen maleeshiyada Al-shabaab.

Maaha Qaraxii ugu horeeyay ee lala eegto kolonyo gaadiid dagaal oo ay la socdeen ciidamada AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com