Qarax xoogan oo ka dhacay Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamo ka tirsan kuwa Howlgalada midowga Africa ee AMISOM ayaa goor dhow Qarax Miino lagula Eegtay inta u dhaxeeysa Xaafada Suuqa Xoolaha iyo Soos ee Degmada Hiliwaa.

Wararku waxa ay Tilmaamayaan in Qaraxa uu geystay Khasaaro badan waxaana la soo sheegayaa in Qarax uu ahaa Miinada Meelaha Fag laga hago.

Qaraxa ayaa waxaa loo dhigay Kolonyo gaadiid ay la socdeen AMISOM, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay ilaa Seddex ruux halka tiro intaa ka badana uu kasoo gaaray dhaawac.

Dhanka kale, Qaraxa kadib ayaa waxaa halkaasi laga sameeyay howlgalo lagu xaqiijinaayay ammaanka, iyadoona ay Ciidamada AMISOM halkaasi ka jiiteen Gaarigii uu qaraxa ka haleelay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com