Qaraxyo culus oo dhacay & Saraakiil lagu laayay

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka laga helaayo dalka Kenya ayaa sheegaya in deegaano ku dhow dhow deegaanka Lamu uu ka dhacay Qarax khasaaro kala duwan geystay oo lagu dilay Saraakiil Kenyaan ah.

Qaraxa ayaa waxaa lagu dilay Saraakiil ka tirsan Dowlada Kenya kuwaasi oo la socday Kolonyo gaadiid ciidan ah, waxaana la sheegayaa in gaadiidka qaar ay soo gaaren burbur xoogan.

Qaraxa ayaa waxaa xaqiijiyay Agaasiimaha Howlgalka Booni Mr James ole Serian oo sheegay in Qaraxa uu ahaa Miinooyin lagu aasay wadada hareeraheeda oo markii danbe la qarxiyay xili Kolonyadaasi gaadiid ay marayeen wado weyn oo ku lamaan deegaanka Lamu.

Kolonyada Qaraxa lala eegtay ayaa kusii jeeday Deegaanka Boodhi, waxa ayna sidaa kula kulmeen Qaraxyadaasi.

Weerarka ayaa ka dhacay wadada isku xirta Deegaanada Hindi iyo Boodhi waxa uu ku yaallaa inta uu dhaxaysa Gaarisa iyo Lumo oo ku dhaw Xadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya.

Dhanka kale, Kenya ayaa sheegtay in Qaraxyadaasi ay ka danbeeyen maleeshiyaadka Alshabaab, oo ay sheegen inay u dhar dhigteen carqaladeynta amaanka Kenya.

Qaraxyadaasi ayaa kusoo beegmaya xili Dowlada iyo shacabka Kenya ay ku jiraan fantisyada maalmaha ciida Kirismiska.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com