Qaraxyo xooggan oo ruxay Puntland iyo Jubbaland

Garoowe (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Bari aya sheegaya in qarax xooggan lala eegtay ciidamo ka tirsan maamulka Puntland.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa lala helay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamada Daraawiishta Puntland wuxuuna ka dhacay deegaanka Balli Khadar ee duleedka Boosaaso.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxu uu waxyeello gaarsiiyay ciidamo ka tirsan maamulka Puntland kuwaas oo ka amba baxay magaalada Boosaaso kuna sii jeeday deegaanka Galgala.

Dhinaca kale qaraxyo is xig xigay ayaa ciidamo ka tirsan dowladda Mareykanka iyo Ciidamada Bangaraaf ah lagula beegsaday deegaanka Baarka ee duleedka magaalada Kismaayo.

Warar laga helay Baar Sanguuni ayaa sheegaya in qaraxyadu ay haleeleen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamo huwan ah balse lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi.

Halkaan Ka Daawo Qorshihii yaabka lahaa ee qaraxii Kismaayo & Axmed Madoobe oo qeyb ka ahaa

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe