Dooxa (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa xaqiijisay in Iran aysan weerari doonin kaabayaasha dhaqaalaheeda, kaddib wada-hadallo iyo is-afgarad dhex maray labada dal, xilli xiisad militari ay ka taagan tahay gobolka Bariga Dhexe.
Iran ayaa la sheegay inay ballan-qaaday inaysan beegsan doonin kaabayaasha dhaqaalaha Qatar, balse ay weerarradeeda ku koobi doonto oo kaliya saldhigyada milatari ee Mareykanka iyo Ingiriiska ku leeyihiin gudaha dalka Qatar.
Wararka ayaa sheegaya in heshiiskan uu yimid kaddib wada-xaajoodyo qarsoodi ah oo dhex maray Qatar, Iran iyo dhinacyo kale oo caalami ah, si loo yareeyo khatarta ku wajahan dhaqaalaha iyo amniga gobolka, maadaama Qatar ay martigeliso saldhigga milatari ee ugu weyn Mareykanka ee Bariga Dhexe.
Sidoo kale, warbaahinta caalamka sida Reuters iyo Bloomberg ayaa qoray in heshiiskan uu qayb ka yahay dadaallo lagu ilaalinayo socodka ganacsiga, gaaska dabiiciga ah iyo duulimaadyada caalamiga ah ee ka baxa kana soo dega Qatar, maadaama dalkaasi uu yahay mid ka mid ah xarumaha ugu waaweyn ee dhaqaalaha iyo gaaska adduunka.
Qatar ayaa la sheegay inay door ka qaadatay in la fasaxo lacag dhan $6 bilyan oo doollar oo hore uga xayirneyd Iran, taas oo lagu hayay bangiyada Qatar, kaddib heshiis dhex maray Iran iyo Mareykanka, iyadoo lacagtaas loo oggolaaday in Iran u adeegsato arrimo bani’aadamnimo.
Wararka ayaa sheegaya in arrintan ay qayb ka ahayd is-afgarad ballaaran oo lagu doonayay in Iran ay ka fogaato weerarro ay ku qaaddo kaabayaasha dhaqaalaha ee dalalka Khaliijka, gaar ahaan Qatar oo xiriir diblomaasiyadeed oo wanaagsan la leh Tehran.
Iran ayaa markii ugu dambeysay beegsatay goobo ku yaalla Qatar 19-kii bishan, ka hor inta aan la gaarin heshiiskan cusub, taas oo sare u qaaday walaaca laga qabay in dagaal ballaaran uu ka qarxo gobolka oo dhan.
Si kastaba ha ahaatee, laga billaabo 24-ka March waxaa si rasmi ah dib loogu furay bangiyada, suuqyada ganacsiga, iskuullada iyo xafiisyada dowladda Qatar, kaddib markii la xaqiijiyay in xaaladda amni ay deggenaatay.
Dowladda Qatar ayaa sheegtay inay qaaday tallaabooyin lagu adkeynayo ammaanka, isla markaana ay diyaar u tahay inay ilaaliso kaabayaasha muhiimka ah sida garoomada diyaaradaha, dekedaha, warshadaha gaaska iyo bangiyada.
Qatar ayaa hadda u muuqata dal xasilloon oo ka badbaaday xiisadda militari ee ka taagan gobolka, halka dalal deris la ah, sida qaar ka mid ah dalalka Khaliijka, ay weli ka jirto cabsi la xiriirta weerarro iyo dagaal suurtagal ah oo ka dhaca Bariga Dhexe.

