QATAR oo ku soo biirtay loolanka dekadaha Somalia iyo wafdi imaaday XAMAR + 3 dekad oo ay dooneyso

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wafdi ka socdo Dowladda Qatar iyo Hey’ad maalgashi laga leeyahay dalkaas ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Wafidigaan ayaa soo dhaweyn loogu sameeyey garoonka Muqdisho, wuxuuna yahay qorshahooda si ay uga qeyb noqon lahaayeen loolanka loogu jiro maalgashiga Dekadaha Soomaaliya.

Sida ay Caasimadda Online xogta ku heshay wafdigaan ayaa booqan doono Dekadaha Muqdisho, Kismaayo iyo Hobyo si ay u  qiimeeyaan isla markaasna ay maalgashi Caalami ahugu sameyn lahaayeen.

Sidoo kale waxaa jiro Dekado kale oo ay Qatar qorsheneyso inay la wareegto, waxaana circa isku sii shareeri doono Khilaafka dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo hadda marayo meel xun.

Dowladda Qatar ayaa loolan adag oo dhanka Qaaradda Africa ah kula jirto dowladda Imaaraadka Carabta iyo dalka Turkey kuwaas oo labaduba saameyn ku leh dalka Soomaaliya.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Dekado badan kula heshiisay Maamul Goboleedyada dalka ka jiro iyo Maamulka Somaliland.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan dalka Itoobiya kula heshiisay inay maalgeshi ku sameysato ilaa afar Dekadood oo aan ilaa hadda magacyadooda la sheegin waxaana lala yaaban yahay sida ay isku qaban doonaan heshiisyadaan dhinacyada ka socdo.

Wixii warar ah ee kusoo kordha arrintaan waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com