QM oo billowday daad-gureynta shacabka Mariupol

Mariupol (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa Axaddii sheegtay in ay sameynayso “hawlgal waddo aamin ah” si dad gaaraya 1,000 qof oo shicib ah oo reer Ukraine ah looga saaro warshad birta sameysa oo ay xannibayeen ciidanka Ruushku.

Warshadda ayaa ku taalla magaalada Mariupol ee dhanka koonfureed ee dalka, taas oo uu dagaalku aafaayey.

Hawlgalkan oo Hay’adda Laanqeyrta Cas ay kala shaqeysay saraakiil ka socda dawladaha Ruuskha iyo ta Ukraine ayaa ka bilowday warshadda birta ee Azovstal Sabtidii.

Xafiiska Arrimaha Bani’aadaminimada ee QM ayaanan wax faahfaahin dheeraad ah ka bixin si aanay waxyeello u soo gaarin hawgalka badbaadada ee socda.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa fariin dhinaca twitterka oo soo diray ku yiri “Kooxdii u horeysay oo ilaa 100 qof ah ayaa durbaba ku sii jeeda goobaha aan haysanno. Bari ayaan kula kulmeynaa Zaporizhzhia.”

Saraakiisha ayaa rumeysan in labu kun oo dagaalyahan oo kale ay ku sii harsan yihiin warshadda, iyaga oo ku dhuumanaya godad ku dhex yaalla dhismayaasha waaweyn warshadda oo ay ku hareeraysan yihiin ciidanka Ruushku.

Dad shicib ah oo kale oo reer Ukraine ah ayaa laga yaabaa inay wali ku sii harsan yihiin magaalada ku taalla xeebta woqooyi ee badda Azov oo ay gacanta ku hayaan ciidanku Ruushku, ka dib labo bilood oo duqeyn ah, taas oo magaalada dhulka la sintay.