QM oo kala dirtay kooxdii dabagalka cunaqabateynta hubka Somalia iyo Eritrea

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ay kala direen kooxdii Dabagalka Cunaqabateynta hubka ee saaran dalalka Soomaaliya iyo Eritrea.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay inay go’aamiyeen kala dirista guddiga oo 10 kii sano ee u dambeeyay arimahaan ka shaqeynayay, waxaana la go’aamiyay in Dalka Eritrea Cunaqabateynta laga qaado.

Eritrea ayaa u baahan Sagaal cod oo kamid ah 15 cod ee xubnaha golaha amaanka, iyadoo kadib laga qaadi doono Cunaqabateynta hubka ee Saaran Eritrea, waxaana loo codeynayaa maanta.

Eritrea ayaa cunaqabateyntan la saaray sanadkii 2009kii,markaas oo lagu eedeeyay in ay faragelin ku heysay dalalka deriska la ah sida Jabuuti iyo Soomaaliya oo lagu eedeeyay in ay AL-shabaab taageerto.

Eritrea ayaa diiday dhamaan eedahaas,waxaana Qaraar Qabyo ah oo ay soo gudbisay Dowladda Ingiriiska la isku raacay in maanta cunaqabateynta Hubka,Socdaalka iyo dhaqaale laga qaado Eritrea.

Guddiga la kala diray ee Monitoring Group loo aqoon jiray ayey Golaha amaanka ku beddeleen Guddiga Khubarrada Soomaaliya oo kali ah (Panel of Experts on Somalia).

Guddiga SEMG ee la kala diray ayaa la socon jiray dhaq dhaqaaqa cunaqabateynnada Saaran Soomaaliya iyo Eritrea,waxaa sidoo kale ay wax ka qori jireen dowladaha sida dadban ama tooska ah ugu lug lahaa maalgelinta Al-shabab.

Guddiga cusub ee u gaarka ah Soomaaliya ayaa shaqeyn doona ilaa 15ka December 2019,waxaana uu heystaa muddo  xileed Hal Sano ah.

Xubnahaan ayaa dowladda Ruushka waxay soo jeedisay in Shan xubnood laga dhigo, halka dalalka kale ay so jeediyeen in lix xubnood la gaarsiiyo, taasi oo dhalisay in tirada guddigan cusub uu noqonayo la isku khilaafo.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@Live.com