Qoor Qoor iyo Guudlaawe oo musharaxiinta u caddeeyey MOWQIFKOODA ku aadan muddo kororsiga Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah oo laga helayo kulan ay Xalay Muqdisho ku yeesheen Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan shiikh, Shiikh Shariif iyo Madaxweyneyaasha maamulada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo kan HirShabelle Cali Guudlaawe Xuuseen ayaa sheegayo in laga gaaray is faham hordhac ah.

Kulanka oo ka dhacay guriga uu Muqdisho ka dagan yahay madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan Xaaladda cakiran ee xilligan uu marayo Dalka iyo muddo kordhinta ay golaha shacabka u sameeyeen Hay’addaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweyneyaasha Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe ayaa u caddeeyey Madaxweyneyaashii hore ee Dalka in ay ka soo horjeedaan Muddo Kordhinta loo sameeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayaa labada madaxweyne ee Galmudug iyo HirShabelle ku cadaadinayo inay si cad warbaahinta ugu sheegaan mowqifkooda ku aadan muddo kordhinta isla markaasna aysan iyaga ka war qabin waraaqdii la sheegay inay kasoo baxday madaxtooyada balse lagu sheegay inay aheyd mid ay si wadajir ah usoo saareyn maamul goboleedyada taabacsan dowladda.

Xubnaha mucaaradka ayaa u arko Axmed Qoor Qoor iyo Guudlaawe wadada kaliya ee looga hortagi karo muddo kordhinta uu sameystay madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulankan oo ahaa mid horay labada dhinac ugu balameen, markii shirar gaar ah yeesheen ayaa la filayaa inay si wadajir ah go’aan uga gaaraan arrinta muddo kordhinta Madaxweyne Farmaajo u sameeyay Golaha Shacabka.

Habeeno ka hor warbaahinta dowladda ayaa lagu faafiyey warqad laga qoray Madaxtooyada, taas oo lagu muujinayey in seddaxda maamul goboleed ee taabansan dowladda federaalka ay taageersan yihiin mudo kororsiga, balse Galmudug ayaa dib ka beenisay ku lug-lahaanshaha warqadaas.

Madaxweynaha Galmudug ayaa u muuqda mid aan ogoleyn mudo kororsiga Farmaajo, hadana waxa uu ku dhiiran la’yahay inuu cadeeyo mowqifkiisa, markii laga reebo in mar uu warbaahinta ka sheegay in uusan taageeri doonin mudo kororsi.