Daawo: Qoor Qoor oo sheegay in hal arrin ay Puntland…

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo xalay ka qayb-galay xuska 14-ka August oo ku beegan maalinka aasaaska ee maamulkaas, isla markaana uu goobjoog ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay arrimo kala dhexeeya maamulka ay dariska yihiin ee Puntland.

Qoor Qoor ayaa si gaar ah madaxda Puntland iyo shacabka ugu bogaadiyay wada shaqeynta kala dhexeysa Galmudug, isaga oo tusaale usoo qaatay magaaada Gaalkacyo oo ay wada maamulaan labada dhinac.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale ku amaanay reer Puntland, sida walaaltnimada leh ee ay uga wada shaqeeyeen nabadda magaaladaas, isaga oo tilmaamay in wada shaqeyntooda ay xoojisay isfahamka labada maamul.

“Waxaa la sameeyay in maamullada dariska ah, gaar ahaan Puntland aan arrimo jiray iska kaashanay si wanaagsan aan iskula meel dhignay waxaana kamid ah magaalada Gaalkacyo oo si gaar ah uga duwan Soomaaliya, taas oo aan u arkeenay furaha nabadda iyo isfahamka labada maamul, iyadana waa lagu guuleystay,” ayuu yiri Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug.

Sidoo kale, wuxuu soo hadal qaaday kala aragti duwanaashaha siyaasadeed ee haatan jira, isaga oo tilmaamay inuu rajeynayo in uusan saameyn wada shaqeynta muddada soo socotay ee u dhexeysa Galmudug iyo Puntland.

“Wax kasta halagu kala duwanaadee waa ku amaanayaa madaxdii iyo shacabkii reer Galmudug iyo reer Puntland sida aan u wada shaqeyno oo magaalada Gaalkacyo u tahay qadiyaddii gaarka ah ee lahayd sida loo tixgeliyay ee loo maareeyay, waxaana rajeynayaa inay meeshaa kasii socoto,” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu soo jeediyay in lasii wado howlgallada xasilinta iyo kuwa lagula dagaalamayo maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ka socda gobollada dhexe.

Hadalkan wuxuu kusoo aadayaa, iyada oo dhawaan Galmudug iyo Puntland ay is waydaarsadeen eedeymo culus oo la xiriira gobolka Mudug, kadib markii mas’uuliyiin ka tirsan maamulka fadhigiisu yahay Garoowe ay uga digeen maamulka deggan Dhuusamareeb in garoomadooda laga soo dajiyo ciidamo iyo hub ay sheegeen in dowladda dhexe ay ku carqaladeyneyso Puntland.

- Advertisement -

Read more

Local News