Qorayaasha Carbeed ee adeegsada Twitter-ka oo weerar ku qaaday Gaas + Sawirro

Garoowe (Caasimadda Online) – Baraha Bulshada ee dadka Carabta ay adeegsadaan ayaa si weyn waxaa loogaga doodayaa booqashada Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu ku tagay dalka Imaaraatka Carabta, xilli uu khilaaf xoogga ka jira Soomaaliya iyo Imaaraatka.

Dadka Khaliijka, gaar ahaan kuwa Imaaraatka iyo Baxreyn ee ka aragti dhiibtay booqashada Madaxwyne Gaas ayaa si jees jees leh uga hadlay, iyagoona adeegsanayey erayo ay kaga booga dhayanayaan culeyskii maalmahaan saarnaa, kaddib tallaabooyinkii isdaba jooga ahaa ee Dowladda Federaalka ah ay ka qaaday Imaaraatka.

Mid ka mid ah dadka ugu caansan Twitterka ee dalka Imaaraatka oo ka hadlayey safarka Madaxweyne Gaas ayaa yiri “Yaan lagu kalsoonaan, sababtoo ah Soomaalidu waa dad dhuuni raac ah. Waxaan rajeeynayaa in Imaaraatka iyo Sucuudiga oo wada jir ah ay xiriirka u jaraan Soomaaliya.”

Sidoo kale aragtidaan mid la mid ah waxaa daabacay shaqsi u dhashay dalka Baxreeyn oo si wayn can uga ah Twitterka,kaas oo lagu magacaabo Hamad Taaha, isagoona ku tilmaamay tallaabada Gaas uu ku tagay Imaaraatka mid uu dhaqaale gaar ah ku doonayo “Ma hadda ayuu soo jilcay kaddib markii Muqdisho looga diiday in uu la qeybsato lacagtii ay dhaceen, waa caqligii ahaa aan ku dilo kaddibna janaasadaada aan ka soo qeeyb gelo oo isu kaa oohiyo.”

Dadka Carabta ah oo caadeystay markii lagu doodayo baraha bulshada in ay dadka Soomaliyeed ku afla gaadeeyaan gaajo, abaaro iyo dagaallo ayaa uga faaiideystay safarka Madaxweyne Gaas in ay ku doodaan fikirkooda ah in ay iyagu quudiyaan Soomaalida.

“Madaxweynaha Gobalada Puntland waxaa muuqata in uu cudurdaar rasmi ah ka bixiyey Isfahan darradii dhacday, isagoona sheegay in Soomaaliya marna aysan ka maarmeeyn Imaaraatka. Dhibta idin haysata waa Farmaajo oo Muqdisho meel aan ka baxsaneyn ka talin.” Ayuu yiri qof lagu magacaabo @agnomenist oo u jawaabayayey dad Soomaali ah oo adeegsada barta Twitterka.

Sidoo kale qof isku magacaabay Al-waaqic ayaa soo qoray “Hadda ayaa qof Soomaali ah oo baahi dilootay ku dhihi doonaa Imaaraatka ayaan ka saarnay dalkayaga, ha ogaadaan in ay dhaqaalaha Khaliijka ku tiirsanyihiin. Ku digasho igama ahan ee xaqiiqda ogaada.”