Qorshe lagu burburinayo guryaha xaasleyda BOOLISKA oo ka socda Xamar Jajab

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed iyo shaqaale farsamo ayaa saaka gaaray xaafadda Zerandi ee degmada Xamar Jajab, iyaga oo doonaya inay burburiyaan guryaha xaasleyda Ciidanka Booliska, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka iyo ilo ku dhow taliska.

Guryahan oo la dhisay 20-kii Diseembar 1980 ayaa hoy u ah ku dhawaad 72 qoys, kuwaas oo ay ku jiraan agoon, dad naafo ah, qoysaska askar dhintay iyo saraakiil weli ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa muujineysa in Taliyaha Ciidanka Booliska, Jeneral Assad Diyaano, uu goobta geeyey cutub ciidan ah iyo shaqaale farsamo oo loo diyaariyey burburinta guryaha.

Dadka deggan xaafadda ayaa sheegay inaan loo soo bandhigin amar maxkamadeed, digniin rasmi ah ama oggolaansho sharci oo fasaxaya in guryaha la dumiyo.

Waxay sidoo kale sheegeen in madaxda ugu sarreysa dowladda aysan la socon qorshaha, isla markaana aan wax fasax ah laga helin hay’adaha garsoorka, Wasaaradda Amniga Gudaha iyo madaxda qaranka.

Eedeymo culus

Qoysaska cabashada qaba ayaa qorshaha ku eedeeyey ganacsato, xildhibaanno iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Assad Diyaano, kuwaas oo ay sheegeen inay iska kaashanayaan la wareegidda dhulka ay ku yaallaan guryaha.

Waxay tallaabada ku tilmaameen boob hanti dadweyne, iyaga oo sheegay in shaqsiyaadka ku lugta leh ay isku dayayaan inay ballaariyaan ruqsad hore loogu bixiyey dhul ku yaalla Buula-Gaaljecel.

Dadka deegaanka ayaa ku adkeysanaya in xaafadda Zerandi aysan ka mid ahayn dhulkii Buula-Gaaljecel, sidaas darteedna aan ruqsad ama oggolaansho halkaas laga bixiyey lagu fidin karin guryaha xaasleyda Booliska.

Waxay ka cabsi qabaan in ciidamadu dib ugu soo laabtaan goobta, isla markaana burburinta guryaha la fuliyo saacadaha soo socda, haddii aysan madaxda dowladda si degdeg ah u faragelin.

Sharciga Booliska

Qoysaska ayaa daliishanaya Sharciga Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Sharci Lr. 02 ee 4-tii Janaayo 1972.

Sida uu dhigayo sharcigaas, guryaha xaasleyda Booliska waa hanti ma-guurto ah oo loogu talagalay inay ku intifaacaan xubnaha Ciidanka Booliska iyo qoysaskooda.

Dadka deegaanka ayaa ku doodaya inaan hantidaas la iibin karin, la wareejin karin ama la burburin karin iyada oo aan la helin oggolaansho rasmi ah oo ka yimid madaxda qaranka, hay’adaha garsoorka iyo wasaaradda uu Boolisku hoos yimaado.

Waxay sheegeen in guryaha aysan ahayn dhul bannaan oo ganacsato loo wareejin karo, balse ay yihiin hanti qaran oo muddo tobannaan sano ah hoy u ahayd saraakiil iyo qoysas xiriir la leh Ciidanka Booliska.

Qaar ka mid ah dadka halkaas deggan ayaa sheegay in qoysaskoodu guryaha ku noolaayeen tan iyo markii la dhisay, isla markaana aysan haysan meel kale oo ay u guuraan haddii la burburiyo.

Baaq loo diray madaxda

Qoysaska deggan guryaha xaasleyda Booliska ayaa ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya, ra’iisul wasaaraha, Wasaaradda Amniga Gudaha iyo hay’adaha garsoorka inay joojiyaan qorshaha burburinta.

Waxay sidoo kale dalbadeen in baaritaan lagu sameeyo cidda bixisay amarka, sharciyadda ruqsadda la adeegsanayo iyo doorka ganacsatada, xildhibaannada iyo saraakiisha lagu eedeeyey qorshaha.

“Maanta waxaa lagu abaal-dhacayaa saraakiil qarankooda u soo shaqeeyey,” ayay yiraahdeen qaar ka mid ah qoysaska cabashada qaba.

Waxay ku adkeysteen in tallaabo kasta oo laga qaadayo guryaha lagu saleeyo sharciga, lana ilaaliyo xuquuqda agoonta, dadka naafada ah, qoysaska ciidamada iyo saraakiisha weli u adeegaya dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News