Qunsuliyadda Faransiiska ee Jeddah oo la weeraray

Jeddah (Caasimada Online) – Ayada oo maanta weerar lagu dilay saddex qof, oo mid ka mid ah la gowracay, laga fuliyey magaalada Nice ee dalka Faransiiska, ayaa weerar kale lala beegsaday qunsuliyadda France ee magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga.

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP, nin mindi watay ayaa weeraray qunsuliyadda Faransiiska ee Jeddah, wuxuuna halkaas ku dhaawacay mid ka mid ah waardiyeyaasha.

AFP waxay sheegtay in dhacdadaas oo maanta ahayd ay xaqiijiyeen saraakiisha Sacuudiga.

Dhacdadan waxay imaaneysaa xilli uu weerar kale oo toorrey loo adeegsaday lagu qaaday kaniisad ku taalla magaalada Nice ee dalka Faransiiska, halkaas oo lagu dilay seddax qof, dhowr kalena lagu dhaawacay. Maamulka Faransiiska ayaa weerarkaas ku tilmaamay mid argagixiso.

War qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Faransiiska ee Sacuudiga ayaa lagu sheegay: “Qofka weerarka soo qaaday waxa qabtay ciidamada amniga ee Sacuudiga, isla markii uu weerarka bilowday. Waardiyaha dhaawacmay waxaa loo qaaday isbitaal, xaaladdiisana ma xumo”, ayey qoreen AFP iyo Reuters.

Booliska Gobolka Makah oo Jeddah ay ka tirsan tahay, waxay sheegeen in qofka la xiray uu u dhashay Sacuudiga, balse ma aysan sheegin dhalashada qofka dhaawacmay, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Safaaradda Faransiiska oo ku taalla Riyadh waxay si adag u cambaareysay weerarka, waxayna muwaadiniinteeda Sacuudiga ku sugan u sheegtay in ay “si wayn u feejignaadaan”, AFP ayaa sidaa ku warrantay.

Dalka Faransiiska wuxuu wajahayaa car xoog leh oo ka dhalatay sawir-gacmeed laga sameeyay Nabi Maxamed NNKH.