R/W Khayre oo la kulmay madaxweynaha Faransiiska

Paris (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo ku sugan Faransiiska ayaa kulan soo dhoweyn ah la qaatay Madaxweynaha dalkaasi, Emmanuel Macron.

Kulankan ayaa labada mas’u waxa ay uga hadleen arrimo ay ka mid tahay xiriirka labada dowladood iyo taageerada uu Faransiiska siiyo Soomaaliya.

Madaxweyne Macron ayaa dowladda federalka ku booriyey horumarka kala duwan ee ay ka sameysay dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Xaan Cali Khayre ayaa uga mahadceliyey dowladda Faransiiska soo dhoweeynta ballaaran ee loo sameeyey, isagoona ku bogaadiyey, sida ay mar walbo u garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Khayre ayaaa ka qeyb galaya shirka nabadda Paris oo looga hadlayo xal u helidda dhibaatooyinka ka jira daafaha caalamka.

Faransiiska ayaa ka mid ah dalalka taareeo dowladda federaalka, wuxuuna ka caawiyaa dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab, isagoona duqeymo ka dhan ah kooxdaasi ka fuliya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Paris
caasimada@live.com