Kaalin nooce ah ayuu R/W Rooble ka qaadan karaa kiiska dhallinta la geeyay Eritrea?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii u dambeeyay sarre u kacday xiisada ka dhalatay dhalinyaradii ay dowladda federaalka Soomaaliya tobabarka ugu qaaday Eritrea, kuwaasi oo markii hore laga qaaday magaalada Muqdisho.

Dhalinyarada oo Eritrea loogu qaaday Askarnimo ayaa la weysan yahay muddo ka badan 2-sanno, ayada oo banaanka u soo baxeyso in askarta Soomaaliyeed ay qeyb ka noqdeen dagaalkii qaraara ee gobolka Tigray, ayaga oo gacan siinaya dowladda Ethiopia.

Waalidiinta dhalay dhalinyaradaas iyo siyaasiyiinta mucaaridka ayaa eedeynta u weyn ee qaadista askartaas dusha u saaray madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday, oo ilaa hadda war rasmi ah kasoo saarin xaaladooda.

Sidoo kale waxaa shalay warbaahinta kasoo hor muuqday dhalinyaro kamid ah kuwii loo qaaday Eritrea oo kasoo baxsaday, kuwaasi oo sheegay inay tacadiyo kala duwan kala kulmeen xeryihii lagu hayay, islamarkaana loo diiday in loo sheego waqtiga lagu celinayo dalkooda, ayna sidaas kusoo fakadeen.

Haddaba, maxay tahay kaalinta Ra’iisal wasaare Rooble ee ku aadan xiisada ka dhalatay dhalinyarada loo qaaday Eritrea ee maalmihii u dambeeysay ka tagneyda dalka?

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlaya arrintaas ayaa sheegay in xiligan ay ra’iisal wasaare Rooble u furan tahay inuu waalidiinta cabanaya la raadiyo ubadkooda, islamarkaana uu dhageysto oo uu qanciyo.

“Raysal wasaaare Rooble waa in uu waalidiinta la fariistaa qanciyaa, ubadkooda la raadiyaa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlaya kaalinta uu Rooble ka qaadan karo arrintaas.

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu baaqay inuu si deg-deg ah ugu soo celiyo waalidiintaas dhalinyaradooda, isagoo ka jawaabaya cabashadooda.

“Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday waa in uu oohinta hooyooyinka ka jawaabaa. Waa in uu dhallinyarada Eritrea loo qaaday degdeg uga soo celiyaa intii nool,” ayuu yiri

“Waxaan leenahay waalidiinta waa idin garab taaganahay, gurmad iyo garab ayaan idiin nahay. Idinka hari mayno Inta ubadkiina meel lagu sheegayo.”