R/W Rooble oo war cusub kasoo saaray doorashada golaha shacabka Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliyam Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xalay khudbad ka jeediyey munaasabad si weyn loogu maamusayey ergada Soomaaliya ee kiiska badda ayaa soo hadal qaaday doorashooyinka.

Rooble ayaa shaaca ka qaaday in si deg-deg ah loo guda-galayo doorashada xildhibaanada aqalka hoose, isla-markaana la bilaabayo todobaadka soo socda, sida uu hadalka u dhigay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in lagu hormari doono doorashada 46-da kursi ee gobollada ee waqooyi ku metalaya baarlamaanka soo socda, taas oo ka dhaceysa gudaha Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu arrintaasi kala hadlay guddoomiyaha aqalka sare iyo ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, ayna ku ballaan in la dadajiyo doorashadaasi.

Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay ra’iisul wasaaruhu in xukuumaddiisa ay dadaal badan ku bixineyso dhammeystirka doorashada, si looga faa’iideysto waqti kooban ee haray.

“Habeen kasta waxaan ku duceystaa in doorashada ay soo geba-gabowdo, iyada oo aysan cidna xag-xageyn, cidna waxba u dhimim, sidoo kale aysan jirin cid dhibaato loo geysto,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlayey doorashooyinka.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo madaxda maamul goboleedyada qaar ay weli ka caga jiidayaan doorashada golaha shacabka, waxaana xusid mudan in xittaa Jubbaland iyo Galmudug aysan weli dhammeystirin doorashada xubnaha golaha aqalka sare Soomaaliya.