R/W Xamza oo wada-hadal la yeeshay safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta wada-hadal la yeeshay safiirka dalka Sacuudiga, Mudane Maxamed Bin Axmed Almuwallad oo booqasho gaar ah ugu tegay xafiiskiisa.

Labada mas’uul ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsi ee labada dal ee walalaalaha ah, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’uusul wasaaraha.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Bin Axmed Almuwallad oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsi ee labada dal ee walalaalaha ah,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee uu soo saaray Xamza.

Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya oo kulanka ka hadlay ayaa sidoo kale ugu hambalyeeyay ra’iisul wasaaraha cusub xilkiisa, wuxuuna u rajeeyey in uu ku guuleysto howlaha hor yaalla, isagoo muujiyay sida dowladda Sacuudigu u garab taagan tahay Soomaaliya.

Dhankiisa ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay dowladda Sacuudiga taageeradeeda dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan ra’iisul wasaaraha uu ku howlan soo dhisidda xukuumaddiisa, gaar ahaan ku dhawaaqista golaha wasiirada cusub.

Sacuudiga iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir xoogan, waxaana dalkan oo boqortooyo ah uu mashaariiic kala duwan ka fuliyaa gudaha dalka.