Xamza oo jawaab ka bixiyay warqaddii uu Deni u diray QM

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta jawaab kulul siiyay Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni, kaas oo dhowaan Qaramada Midoobay u diray warqad uu ku muujiyay doonista Puntland ee ka go’itaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland ayaa arrintan xasaasiga ah 24-kii bishan ku sheegay warqad uu u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres iyo Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Jérôme Bonnafont, isagoo xusay in Puntland muddo dheer ku dadaalaysay in Soomaaliya lagu dhiso nidaam federaal ah oo nabdoon, balse ay aaminsan tahay in geeddi-socodkii dowlad-dhisidda uusan u hirgelin sidii la filayay.

Puntland ayaa warqadda ku sheegtay in qaybo ka mid ah shacabkeeda ay ku cadaadinayaan  inay qaadaan waddo madax-bannaani ah, iyadoo sidoo kale ka cabatay iskaashi la’aan ay kala kulantay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Puntland waxay wajahaysaa cadaadis kaga imanaya shacabka oo doonaya madax-bannaani buuxda ay kaga go’aan Federaalka,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Saciid Cabdullaahi Deni.

Intaas kadib, waxaa maanta soo jawaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, oo shaaca ka qaaday in aan marna la aqbali doonin in la kala gooyo bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay ilaalinta midnimada, wadajirka iyo madax-bannaanida dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale weerar afka ah ku qaaday Saciid Deni, isaga oo u sheegay in hadallada noocaas ah aysan ku habboonayn, loona baahan yahay in laga fogaado hadallada sii kala fogeynaya shacabka Soomaaliyeed.

“Saciidow, kuuma habbooneyn in aad ku qeyliso kala goynta shacabka Soomaaliyeed, taasi waa mid ku xusnaan doonta sooyaalkaaga,” ayuu ku jawaabay Ra’iisul wasaaruhu.

Hadalkan ayuu Xamza maanta ka sheegay furitaanka Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo ay qabanayso Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, kaas oo ay ka qeyb-galeen boqolaal kamid ah bulshada caasimada, iyadoo lagu soo bandhigay raasumaalka dalxiiska dalkeenna.

Si kastaba, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland ayaa waxaa haatan ka dhexeeya khilaaf xooggan oo soo maray marxalado kala duwan, isla markaana saameeyay wada shaqeyta labada dhinac, maadaama ay kala furteen Muqdisho iyo Garoowe.

- Advertisement -

Read more

Local News