R/W Xamza oo magacaabis sameeyay kadib is casilaaddii…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta soo magacaabay Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, kaasi oo loo magacaabay Mudane Cismaan Maxamed Cabdi ( Daallo).

Xamza oo wareegto soo saaray ayaa kula dardaarma wasiir Ku-xigeenka cusub in uu si hufan u guto waajibaadka shaqo ee horyaalla, isaga oo Alle uga baryay in uu ku asturo mas’uuliyadda uu u qaadday ummadda Soomaaliyeed.

Cismaan Daallo ayaa horay uga tirsanaa mucaaradka, balse wuxuu hadda usoo wareegay dhanka dowladda, kadibna sidaas loogu magacaabay xilka.

Sidoo kale, Cismaano Daallo ayaa beddalaya Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Abuukaate) oo maalmo ka hor iska casilay xilka Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha kadib markii la sheegay inay is qabteen Wasiirka Wasaaraddaasi, Mudane Jamaal Maxamed Xasan.

Abuukaate ayaa warqad uu soo saaray 13-kii bishan August 2026 ku caddeeyay inuu iska casilay xilkii Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, iyada oo hadda beddelkiisa loo soo magacaabay Cismaan Daallo oo horay xilal kala duwan uga soo qabtay dowladihii soo maray dalka.

“Waxaan si rasmi ah isaga casilay xilka Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee XFS. Waxaan u mahadcelinayaa madaxda dalka fursadda ay ii siiyeen inaan ugu adeego bulshada Soomaaliyeed,” ayaa ku yiri warqadda uu soo saaray Abuukaate.

Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Abuukaate) oo hadda kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kamid ahaa raggii aadka ugu ololeeyay Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo Isniintii loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News