R/Wasaare ku xigeenka oo weerar culus ku qaaday “siyaasiyiinta xanaaqsan”

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo ka hadlayay munaasabadda sanad guuradii kasoo wareegatay markii xilka loo dhiibay guddoomiye Yariisow ayaa weeraray siyaasiyiinta kasoo horjeeda dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in siyaasiyiinta uu ugu yeeray kuwa xanaaqsan inay dafiraan waxqabadka xukuumadda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir, isaga oo sheegay inaysan u muuqan waxqabadka dowladda.

Sidoo kale ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay wax badan ka qabatay horumarinta deegaanka.

“Mudane Guddoomiye Waxaa jira niman badan oo saaxiibadeena ah oo aan waxba arkeyn,siyaasiyiinta xanaaqsan oo mar walba lasoo taagan waxba lama qaban iyo qabyo waa halkeedii ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed”ayuu yiri Mr Guuleed.

Mahdi Guuleed ayaa ugu dambeyn sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay wax badan ka qabato horumarinta deegaanka iyo gobolada dalka Soomaaliya, isaga oo amaanay waxqabadka uu xalay soo  bandhigay guddoomiye Yariisow.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com