“Raggii aniga i qafaashay ma filayo inay horu-marin doonaan ammaanka Somalia” Waxaa yiri…

Baraawe (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Degmada Baraawe ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Militeriga Somalia ay qafaasheen Taliyaha ciidanka Nabad Suggida Degmada Baraawe.

Taliyaha ciidanka Nabad Suggida Degmada Baraawe Xasan Cumar Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay qafaasheen Ciidamo Millitery ah, waxa uuna sheegay in qafaalkaasi uu dhacay xili uu dagaal qaraaran ka socday Baraawe kaasi oo u dhexeeyay Ciidamada Dowlada.

Taliye Xasan Cumar Xasan waxa uu sheegay in goortii la qafaalanaayay uu ciidamada uga shakiyay inay ahaayen Al-shabaab isku muuqaal ekeysiiyay ciidamada Dowlada, waxa uuna cabsi kadib ogaaday in ciidamada afduubtay ah ahaayen kuwa Dowlada.

”Aniga ma garanaayo ujeedka laga lahaa qafaalka la ii geystay, waxaa nasiib darro ah in ciidamo noocaasi ah ay Soomaalida ka sugaan amni iyo xasilooni waxaan ku baaqayaa in ciidamada falkaani ku kacay laga wareejiyo Gobolka loona wareejiyo goobo kale oo ay shacabka uga nabad galayaan”.

”Dhab ahaantii waxaan garan la ahay ujeedka laga lahaa qafaalka la iigeystay, waayo waxaan ahay Taliyaha NISA ee Degmada Baraawe, ciidamada i qafaashay ima aysan garanweynin”

Xasan Cumar Xasan waxa uu tilmaamay in ciidamada AMISOM ay ka soo kaxeeyeen ciidankii Millateriga ahaa ee afduubtay, hadana uu ku xiran yahay mid ka mid ah Saldhigyada ciidanka AMISOM ay Baraawe ku leeyihiin.

Xasan Cumar Xasan ayaa lagu eedeynayaa inuu qeyb ka ahaa Dagaal ka dhacay Baraawe oo u dhexeeyay ciidamada Milliteriga kaasi oo salka ku hayay Qabiil qabiil ku duulay.

Dhanka kale, waxaa Degmada Baraawe ka socda ololo looga gudbaayo dagaalada soo laalaabtay ee Degmada Baraawe ka dhaca.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com