Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya oo la xiray

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Ra’iisal wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib, xilli uu maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa.

Si rasmi ah illaa hadda looma oga sababta loo xiray Maxamed Cumar Carte Qaalib, oo mar hore cafis madaxweyne ku tagay caasimada Somaliland ee Hargeysa, kadib markii uu iska casilay golihii uu kamidka ahaa.

Madaxweynaha ayaa kal hore qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay inuu aqbalay codsi uu usoo gudbiyay Maxamed Cumar Carte Qaalib, oo ka tirsanaa xildhibaanada federaalka Soomaaliya, ka hor inta uusan dhawaan ka tagin xilkaasi.

Qoraalka madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay inuu tixgeliyay codsi afar maalin ka hor ay usoo gudbiyeen odayaasha dhaqanka ee beesha uu kasoo jeedo Qaalib, kuwaasi oo ay ku dalbanayaan inuu iman karo deeganada Somaliland.

Wararka kasoo baxaya xarigiisa ayaa qaarkood sheegayaan in Maxamed uu sababsaday xeerkii u dambeeyay ee madaxweynaha Somaliland uu kasoo saaray siyaasiyiinta reer Somaliland ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Xeerkan ayaa lagu sheegay in dambi iyo khiyaamo qaran ay tahay in qof Somaliland ah uu ka qeyb-qaato siyaasadda Soomaaliya, waxaana go’aamiyey labada Gole ee Somaliland.

“Qof kasta oo ka qayb-gala arrimaha siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland, lagama aqbali doono cafis ka hor inta aan la horgaynin Maxkamadda awoodda u leh oo aanu xukun Maxkamadeed ku dhicin,” ayuu qoddob kamid ah xeerkaasi leeyahay.

Xeerkan ayaa meesha ka saaraya siyaasiyiintii reer Somaliland ee cafiska loo fidin jiray marka ay imanayaa Somaliland, wuxuuna dhigaya in haatan wixii ka dambeeya Maxkamadda Awooda u leh loo gudbin doono qofkaas, si ay xukun ugu rido.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii