Ra’iisul Wasaare Rooble ma joojin doonaa ciidanka laga soo wado Eritrea inta ay ka dhamaaneyso doorashada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Mucaaradka Soomaaliya ayaa walaac xoog leh ka muujiyey ciidan si sare loo tababar oo ka imaanaya wadanka eritrea. Ciidankaan oo la sheego in qaar ku dhinteen dagaalkii Gobolka Tigreega ee Woqooyiga wadanka Itoobiya ayaa intooda badan dhawaan lagu soo celi doonaa magaalada Muqdisho, sida uu yahay qorshaha Madaxweyne Farmaajo.

Qaramada Midoobay waxay kol hore xaqiijisay in ciidankaasi ka qeyb galeen dagaalada ka socday wadanka Itoobiya. Tirada dhallinyaradaas uga dhimatay dagaaladii ka dhacay Itoobiya waa la isku khilaafsan yahay, balse dowladda Soomaaiya waa beenisay in ciidamadaasi ka qeyb galeen dagaallada ka socda Itoobiya.

Hadda ciidankii waa lasoo wadaa. 25 Duulimaad ayaa la qosheeyey inay dhallinyaradaasi keenaan magaalada Muqdisho, sida ay inoo xaqiijiyeen xubno kamid ah hey’adaha ammaanka ee Dowladda Soomaaliya.

Duulimaad walba wuxuu keeni doonaa in ka badan 200 oo ciidankaas kamid ah. Dowladda Qatar ayaa la sheegay inay bixineyso lacagaha lagu soo daad-gureyn doono Askartaas.

Mucaaaradka waxay weli aamisan yihiin in madaxweyne Farmaajo uu rabo inuu awood kusii joogo xukunka, waxay walaac ka muujiyeen in xilli doorasho lagu soo aadiyo soo celinta ciidankaan oo sanad iyo dhowr Bilood sugayey in dalkooda lagu soo celiyo, maadaama uu waqti hore tababarkii u dhammaaday.

Haddaba dooda taagan waxay tahay cidaankaan imaatinkooda dib maloo dhigi karaa, maadaama waqti doorasho lagu jiro?

Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble wuxuu ka war hayaa walaac laga qabo imaatinka askartaan, iyadoo Dowladda Turkiga ay Muqdisho keentay hub culus iyo diyaaradaha aan duuliyaha wadan kuwooda hubka xambaara.

Waqtigaan kala guurka ah awoodda fulinta ee dalka waxay gacanta ugu jirtaa Ra’isul Wasaare Rooble, si loo yareeyo walaaca jira ama waxa ka dhallan kara imaatinka ciidankaas, wuxuu Ra’isul wasaaraha awoodaa inuu dib u dhigo keenista ciidankaan oo haddii ay yimaadaan si taban u saameyn kara amniga magaalada Muqdisho iyo midka doorashada labadaba.

Dad badan ayaa qaba in Ra’isul Wasaare Rooble  ay u furan tahay maanta inuu jeediyo in ciidankaas dalka lagu soo celiyo markii ay dhammaato doorashada dalka oo amarka soo celintooda iyo maamulkoodaba ay qaadato xukuumadda imaan doonta.

Rooble hadda waa u fududahay inuu sidaas sameeyo. Ciidankaan howshooda waxaa gacanta ku haya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, haddii ay gudaha yimaadaan ma xakameyn karo Ra’isul wasaare Rooble, laakiin wuxuu awoodaa illaa iyo doorashadu dhammaato inuu halkooda ku hayo.

Haddii ay ciidankaan dalka kusoo laabtaan oo ay dhibaato amni la yimaadaan cida kama aqbali doonto Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu ka baxsado mas’uuliyadda dhibaatadaas ayey leeyihiin dadka fikirka ka dhiibtay sida loo maareyn karo walaaca ka taagan ciidankaan laga soo wado Wadanka Eritrea.

Waqti xaadirkaan waxaa la eegayaa sida uu Ra’isul wasaaraha u wajaho arrintaan. Ma Fahad iyo Farmaajo ayuu u dhaafi doonaa sida ay wax yeelaan, iyadoo la xasuusto wixii Fahad iyo Rooble dhex-maray? Mise hadda ayuu Rooble tallaabo qaadi doonaa.?

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii