Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku adkeystay fulinta go’aankii guddiga doorashooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhegaha ka fureystay go’aankii dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, isagoo guddiga doorashooyinka faray inay guda galaan dhaqan-gelinta jadwalkii dhaarinta baarlamaanka ee maamulladaas ay ka hor yimaadeen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shalay galab u yeeray guddoomiyaha guddiga doorashooyinka federaalka, waxuuna kala hadlay seddax qodob oo kala ah:

1 – Hirgalinta jadwalka shahaado siinta xildhibaanada laba Aqalka.
2 – Dhaarinta xildhibaanadii ka soo gudba hubinta guddiga
3 – Dhameystirka doorashada xildhibaannada dhiman ee aan weli la soo dooran.

Qoraal uu baahiyey xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Rooble uu guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal Muuse Geelle Yuusuf uu kula dardaarmay inay dardargeliyaan doorashada, isla markaana sidiisa loo dhaqan geliyo jadwalka ay soo saareen.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa si adag uga hor yimid jadwalkaan oo soo baxay 16-kii bishaan, waxayna ku doodeen in Rooble ama guddiga heer federal uusan midkoodna awood u laheyn inuu soo saaro jadwalka soo xareynta iyo dhaarinta baarlamaanka.

Falanqeeyayaasha isha ku haya siyaasadda iyo arrimaha doorashooyinka ee Soomaaliya waxay qabaan in diidmada Jadwalka ee labadaas madaxweyne goboleed ay salka ku heyso xurguf ka dhalatay natiijada kuraas lagu doortay Baydhaba iyo Dhuusamareeb oo guddigu uu horay diiday, guddiga ayaa ku dooday in habraacii saxda ahaan aan loo marin doorashadooda.

Qoor Qoor iyo Laftagareen ayaa cuskaday in aysan aqbali doonin wax aysan ku heshiin xubnaha golaha wadatashiga qaranka oo ka kooban Rooble iyo madaxda maamul goboleedyada, balse waxaa la aaminsan yahay in ujeedkooda ugu weyn uu yahay in guddiga doorashooyinka heer federaal uusan awood u yeelan in xubnaha dooran qaar ay ka reebaan baarlamaanka.

Qodobka 6-aad ee heshiiskii laga gaaray doorashada waxuu dhigayaa, “Guddigu waxay hubinayaan habraaca ay ku yimaadeen xubnaha ergooyinka doorashada, musharixiinta, iyo ku dhawaaqidda natiijada.”

Qodobka 14-aad ee heshiiskaas ayaa qoraya, “Guddigu waxa uu ku dhawaaqayaa natiijada doorashada Golaha Shacabka.”

Sidoo kale qodobka 18-aad ee heshiiskaas oo bishii October ay Muqdisho ku saxiixeen madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada waxuu dhigayaa, “Guddigu waxaa uu qaban-qaabinayaa dhaarta Xubnaha Baarlamaanka ee la soo doortay ee Labada Aqal,” balse intaas waxaa hadda diidan Qoor Qoor iyo Laftagareen.