R/W Xamza oo sameeyay magacaabis is-weeydaarin ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo wareegto soo saaray ayaa magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay agaasimeyaasha Guud ee qaar ka mid ah wasaaradaha xukuumadda, si loo dardargaliyo hawlihii socday.

Ra’iisul wasaare Xamza oo cuskanaya qodobada 119-aad, farqada (D) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay agaasimeyaasha hoos ku xusan.

1- Dr. Maxamed Saneey Dalmar :
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda
2- Mudane Axmed Yuusuf Cabdulle
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha
3- Mudane Cabdullaahi Xasan Aadan
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa agaasimayaasha kula dardaarmay shaqo gudasho hufan iyo dardargalinta waajibaadka wasaaradaha loo igmaday.

Waa markii labaad ee uu Ra’iisul wasaaruhu isku shaandheyn ku sameynayo qaar kamid ah agaasimeyaasha wasaaradaha muddo kooban gudahood, iyadoo ujeedada lagu sheegay dardargelinta hawlaha shaqo ee xukuumadda Dan-Qaran oo 4 sano jirsatay.

Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ooaanta yeeshay kulakooda todobaadlaha ah ayaa sixid iyo wax ka badel ku sameeyay magacaabistii xubin ka mid ah xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka kadib soo jeedin ka timid Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka. Xubinka la badeley ayaa ah Mudane Cali Macalin, waxaana lagu badeley xeeldheere sharci Mudane Aadan Kuuloow Macalin Qaasim.

Kulanka oo uu shir-guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinnada Heerka Waxqabadka Wasaaradaha ee Rubuca 1-aad iyo Rubaca 2-aad ee (Q1- Q2 Ministerial Performance) iyo Qorshaha—Horumarinta Nidaamka Shaqada Golaha Wasiirrada (E-Cabinet System) kuwaas oo ay soo jeediyeen mas’uuliyiinta sarsare ee  Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo khubaro.

Waxaa kale oo ay Golaha Wasiiradda maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen Hindise-Sharciyeedka Asalka Badeecadaha oo ay soo gudbisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.

- Advertisement -

Read more

Local News