R/W Xamza oo soo saaray farriin ku socota Puntland

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –  Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa hambalyo u diray shacabka Puntland oo maanta u dabaal-degaya sanad guuradda 28-aad ee aas aaska maamulkaasi.

Xamza ayaa shacabka iyo maamulka u diray farriin hambalyo ah, isaga oo ku bogaadiyay horumarka iyo biseylka dowladnimo ee ay muujiyeen.

Sidoo kale wuxuu u hambalyeeyay hoggaannadii soo maray maamulkaas kaalintii ay ka qaateen dowlad dhiska dalka iyo dhabar-adeygii ay muujiyeen xiliyadii kala duwanaa ee lagu jiray dhismaha iyo yagleelidda maamulkaas

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale u rajeeyay hoggaanka iyo bulshada  Puntland nabad waarta, horumar iyo barwaaqo.

Waxaa kale oo uu ugu baaqay dhammaan shacabka inay xoojiyaan wadajirka, is-kaashiga iyo ilaalinta nabadda, si loo gaaro Soomaaliya horumarsan lehna hay’ado adag iyo mustaqbal ifaya.

Garoowe iyo magaalooyinka kale ayaa xalay si weyn looga dabaal-degay sanad guuradda 28-aad ee aas aaska Puntland, waxaaa sidoo kale shacabka la hadlay madaxda sare ee maamulkaas oo iyaguna diray farriimo hambalyo ah.

Xuska Munaasabada 1 Augusto ayaa sanadkan kusoo aaday, iyada oo weli ay taagan tahay xiisad culus oo u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo Puntland oo ka dhalatay arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka dasturka dalka.

Waxaa sidoo kale, todobaadyadii u dambeeyay soo kordhay dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo u dhexeeya labada dhinac oo laga dareemay gudaha Puntland, taas oo sii hurisay xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa Muqdisho iyo Garoowe.

- Advertisement -

Read more

Local News