R/Wasaare ku xigeenka DF oo weerar culus ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar) ayaa ka jawaabay dhaliilaha Siyaasiyiinta qar ay ka muujiyeen shirkii looga hadlayay arrimaha shidaalke ee dhawaan ka qabsoomay Magalada London ee dalka Britain.

Waxa uu sheegay in shirkaasi uu ahaa mid qorshihiisa ay horay Wasaaradda Batroolka u soo bandhigtay,isla markaana uu ahaa mid daba socday mid horay uga qabsoomay bishii Noveber ee Sanadkii tegay dalka koonfur Afrika.

Siyaasiyiinta dhaliilaha ka muujiyay shirkaas ee sheegay in xirmooyin ka mida ah shidaalka Soomaaliya in lagu xaraashayo ayuu ku tilmaamay inay yihiin kuwo xumaanta kaliya raadiya,balse aan wanaagsan dowladdu qabato arkin.

“Waxaa jira si xun wax u sheeg sixiroole wuu ka daran yahay,waxaad moodaa in mucaaradka inay u gurteen in dhagahooda ay maqlaan kaliya xumaanta balse aysan fiirin wanaaga,laakin cid kasta waan soo dhaweyneynaa waayo waa sababtii aan xisbiyo badan u sameysanay ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka.

Isaga oo la hadlayay geba-gabadii mid ka mid ah tv-yada ku hadla afka Soomaaliga ayuu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay masuuliyad weyn ka saran tahay inay qabato wax walba oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed u baahan yihiin.

Ka hor inta uusan qabsoomin shirka looga hadlayay arrimaha shidaalka ee Magalada London,waxaa shirkaasi kasoo horjeestay kuna baaqay in la joojiyo qaar ka mid ah Xisbiyada dalka,balse warkooda aan dheg jalaq loo siinin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com