R/W Rooble oo kala diray guddiga doorashada kana hortagay qorshe lagu fasaxi lahaa kursiga Fahad Yaasiin

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kala diray guddiyaddii doorashada dadban ee dalka ka dhacday, kadib markii uu ka war helay qorshe uu damacsanaa guddiga FEIT.

Sida ay ogaatay Caasimada Online guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa qorsheynayey in caawa uu soo saaro go’aan lagu fasaxayo kursiga #HOP086 oo horay guddigaan iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo is-kaashanaya ay doorashadiisa u hakiyeen.

Kursigaas waxaa laga hor istaagay Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, waxaana la sheegay in wada hadalo u socday labadii maalmood ee la soo dhaafay xubno ka tirsan Guddiga iyo Ergo ka socotay Fahad Yaasiin lagu go’aamiyey in kursigaas loo fasaxo Fahad.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in fasaxa kursiga lagu kala qaadan rabay lacag dhan 1.5 milyan oo dollar, oo xubno ka mid ah guddiga ay heshiis ku galeen.

Hase yeeshee Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka war helay qorshahaas socday ayaa kala diray dhamaan guddiyadii doorashada, isaga oo sheegay cidda go’aan ka gaari doonta kursiga #HOP086.

“Kuraasta baarlamaanka ee guddiyadu ay go’aamiyeen in dib loo soo doorto waxaa doorashadooda maamulaya guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka, waxaana loo marayaa habraacii hore ee lagu soo doortay baarlamaanka 11-aad,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale uga mahadcelyay guddiyadaan, isagoo ku amaanay sidii wanaagsanayd oo ay u gudteen waajibaadkoodii doorashooyinka.

Qoraalkaan waxaa sidoo kale lagu cadeeyey in shaqadii guddiyadaan ay ku ekeyd doorashadii guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo dhacday 27 ilaa 28-kii bishii hore.

Marar badan ayuu Fahad Yaasiin ku fashilmay isku dayo uu ku doonayey in loogu fasaxo kursigiisa, doorashooyinkii Guddoonka Golaha Shacabka iyo tii Madaxweynaha oo muhiim u aha aka qeyb galkooda ayaa la dhaafiyey, welina qof kale looma dooran kursigaas.