Sawirro: Rooble oo maanta ka dhabeeyay ballan-qaad uu sameeyay sanad kahor

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xariga ka jaray dugsiga hoose dhexe ee agoonta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo dhawaan loo dhisay qaab casri ah.

Agoonta Booliska Soomaaliyeed ee ay ka dhinteen askartii naftooda u huray qaranka ayaa horey wax ugu baran jirey dhisme ka sameysan jiingad oo mararka qaar wax-yeelo u geysanayay dhalinta wax ku baraneysa.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa 24-kii bishii Janaayo ee sanadkii hore ee 2021-ka ballan-qaaday in dhisme casri ah laga dhigi doono iskuulka, xiligaas oo uu booqasho ku tagay xarunta agoonta Ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Rooble ayaa xiligaas amray in iskuulka loo badelo mid u qalma ilmo ay ka dhinteen muwaadiniinta naftooda u horey qaranka, ayada oo ugu dambeyntiina uu maanta xariga ka jaray.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay munaasibad kooban oo loo qabtay xarig ka jarka iskuulkaan ayaa waxa uu kula dardaarmay mas’uuliyiinta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed inay muhiimad gaar ah siiyaan agoonta.

“Waxaa rajeynaya in Iskuulkaan si deg deg ah qeybo kale, waxaana Madaxda iyo Shacabka Soomaaliyeed u sheegaya qofkasta waajib ayaa ka saaran caruurta agoonta ee waalidoontooda darteen u dhinteen, waa in laga warhayo oo la koriyo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.