Roobow oo taageero lama filaan ah helay iyo go’aankii DF oo laga hor-yimid

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay go’aanka dowladda Soomaaliya ay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur kaga joojisay tartanka doorashada madaxweynaha maamulka koofur galbeed.

Xildhibaanada oo badankood kasoo jeeda Koonfur Galbeed, qaarkoodna maanta la kulmay Roobow, ayaa ku baaqay in aan la caburin shacabka maamulka Koonfur Galbeed ee ku faraxsan in Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Dowladda Soomaaliya ayay ka codsadeen iney ka laabato go’aanka sidoo kalena aysan caburin musharaxiinta ka qeyb galaya  tartanka doorashada madaxweynaha maamulka koofur galbeed.

Mukhtaar Roobow ayaa ka mid ahaa aas aasayaasha Al-Shabaab, waxaa uu soo noqday Afhayeenka iyo hogaamiye ku xigeenka Al-Shabaab. Isaga oo markii dambe isaga baxay Al-Shabaab kuna soo biiray dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa ka qaaday lacagtii la dul-dhigay madaxiisa ee gaareysay 5-milyan, hase ahaatee dowladda Soomaaliya ayaa sheegeysa in weli aan laga qaadin Mr Roobow xayiraadi saarneyd ee Caalamiga aheyd, sida tii Booliska Caalamka, dhaqaalaha iyo safarkiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com