Roobow “Wadada Afgooye iyo Baydhaba 3 qolo ayey u xiran tahay, waan furayaa haddaad i doorataan..!!

Baydhabo (Caasimada Online) – Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ah Musharax hadda u taagan qabashada xilka Maamul Goboleedyada Koonfur Galbeed ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ku qabtay shir weyn oo uu kaga hadlayey Musharaxnimadiisa.

Munaasabada ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Koonfur Galbeed,Siyaasiyiin, Odayaasha Dhaqanka, Dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magalada Baydhabo..

Shiikha ayaa khudbadiisa ku sheegay in wixii uu u qaban doono Koonfur Galbeed uu kusoo bandhigi doono Xildhibaanada hortooda balse wuxuu hadda kasii hadlay qodob kamid ah waxyaabaha uu qaban doono haddii la doorto.

Muqtaar Roobow oo khudbad ka jeediyay Munaasabada ayaa sheegay in hadii Xildhibaanada Koonfur Galbeed ay doortaan uu Shacabka u furi doonaan wadooyinka ay Shabaab iyo qabaa’ilada ay xirteen.

Wuxuu Shiikha Sheegay in haddii loo doorto inuu noqdo Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu isku furi doono jidka u dhaxeeyo Afgooye iyo Baydhabo.

“Waxaan ku celinayaa maanta inaan musharax u ahay madaxtinimada Konfur Galbeed waxaan Ka shaqeyn doonaa saddex qolo oo Wadooyinka ay u xiranyihiin hadii aad i doorataan “Alshabaab iyo Qabaa’ilada Wadooyinka KG xirtay wa idinka hor wareejinayaa ayuu yiri Muqtaar roobow.

Roobow ayaa tilmaamay in jidkaas uu u xiran yahay Seddex koox oo uu ku kala sheegay inay kala yihiin:

1)  Xarakada Al-Shabaab oo uu markii ugu horeysay u adeegsaday inay yihiin Khawaarij

2) Ciidamo u abaabulan hab beeled.

3)Sidoo kale wuxuu qolada seddexaad ku sheegay inay yihiin kuwa xiran dareeska Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo dhibaato ku hayo jidkaas.

Wuxuu ballan qaaday inuu jidkaas ka dhigi doono mid nadiif ah oo ay si nabadgalyo ah ku isticmaali doonaan dadweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Koonfur Galbeed.