Xog: R/W Abiy Ahmed iyo Qalbi-Dhagax oo maanta ku kulmay Addis Ababa

Addis ababa (Caasimada Online) – Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax oo ahaa sarkaal ka tirsan ururka ONLF oo ay bishii August ee sannadkii hore dawladda Soomaaliya u gacan gelisay dawladda Ethiopia ayaa iminka laga sii daayey xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa.

Qalbi dhagax ayaa cafis ka helay Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed oo kusii daayay dalab kaga imaaday dowlada Somalia.

Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah Saraakiisha sar sare ee Jabhada ONLF ayaa maanta oo sabti ah fursad u helay la kulanka Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed.

Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, ayaa Qalbi Dhagax ka wareystay xaaladiisa caafimaad, caqabadaha hadda heysta iyo sida uu u arko cafiska loo fidiyay oo dalabkiisa ka yimid dowlada Somalia.

Abiy Axmed ayaa Qalbi Dhagax ka xog wareystay haddii ay jiraan dhibaatooyin khatar ah oo loogu dhex geystay Xabsiga, waxa uuna sidoo kale ka dalbaday inuusan wax dhiba u qaadan wixii horay u gaaray maadaama uu dhacay isbedel maamul.

Warar madax-banaan ayaa sheegaya in Qalbi Dhagax uu Ra’isul wasaare Abiy Axmed ka dalbaday in lsoo xiro dhammaan kiisaska uga furan Maxkamada iyo qeybaha Sirdoonka Ethiopia oo muddo ku dhow sanad uu la xiriiraayay.

Qalbi Dhagax, waxa uu sidoo kale, Abiy Axmed ka dalbaday in lasiiyo xorriyad taam ah, maadaama uu xadidan yahay socdaalka iyo fasaxiisa, si buu yiri uu kulan ula yeesho qoysaskiisa.

Ra’isul wasaare Abiy iyo Qalbi Dhagax oo kulankooda uu ahaa mid albaabada u xiran isla markaana laga heyn faahfahino dheeri ah ayaa waxa uu daba socdaa dadaalo ay dowlada Ethiopia ku dooneyso kasbashada ONLF oo fakero khaldan ka heysta Ethiopia.

Ra’isul wasaare Abiy ayaa la xaqiijiyay in Qalbi Dhagax uu u ballanqaaday u sahlida waxyaabo badan oo ku saabsan dalabkiisa, hase yeeshee ma uusan iminka helin ballanqaad rasmi ah.

Sidoo kale, Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa tan iyo markii uu talada la wareegay bishii April la yimid siyaasad furfurnaan iyo is bedelo ka duwan sidii lagu yaqiin Ethiopia, isagoo dabacsanaan u muujisay dhinacyada ka soo horjeeday Ethiopia iyo dalal ay siyasad ahaan isu hayeen.

Ma cadda go’aanka uu Ra’isul wasaare Abiy ka qaadan doona dalabka Sarkaalka ONLF Qalbi Dhagax.

Caasimada Online
Xafiiska Addis ababa
Caasimada@live.com