Daawo: Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee dalka oo celiyay dhalashada Kenya

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa maanta si rasmi ah u celiyay dhalashadii waddanka Kenya, kadib markii dhawaan laga soo celiyay dalkaasi.

Jabriil oo tegay xarunta safaaradda Kenya ee magaalada Muqdisho ayaa geeyay dhalashada dalkaas oo uu haystay muddo 20 sanno ah, sida uu ku sheegay shirkiisa jaraa’id.

“Ujeedka socdaalkayga waxa uu ahaa inaan safaaradda u celiyo dhalashadii Kenya ee aan haystay muddo ka badan 20 sano, iyagana ay ku sheegeen inay tahay mid aan Fake aheyn,” ayuu yiri Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi.

Sababta uu u celiyay

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad ee dalka ayaa shaaca ka qaaday in markii uu arkay caqabadaha soo kordhay iyo dhibaatooyinka la xiriira isticmaalka baasaboorka Kenya, uu go’aansaday inuu dib u celiyo, isla markaana uu si rasmi ah uga tanaasulo dhalashada Kenya.

Waxa uu xusay in go’aankaasi uu ka tarjumayo kalsoonida uu ku qabo dalkiisa, isla markaana hadda kadib uu adeegsan doono baasaboorka Soomaaliga ah.

“Markii aan arkay daruufaha hadda soo cusboonaaday iyo markii aan arkay caqabadaha jira waxaan go’aansaday inaan u celiyo oo aan ka tanaasulo dhalashadii Kenyaanka ahayd ee aan haystay,” ayuu mar kale yiri Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Dowladda Kenya iyo dadkaas waa dowlad aan walaalo nahay oo aan saaxibo nahay daruufo hadda soo cusboonaaday uunbaa keenay ciriiriga hadda jira”.

Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu si dhow ula socdo cabashooyinka la xiriira sida loola dhaqmo qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ka daga garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta (JKIA) ee Nairobi, isagoo xusay in mararka qaar laga qaado baasaboorradooda.

Waxa uu kula taliyay muwaadiniinta Soomaaliyeed inay ku kalsoonaadaan dalkooda,ayna iska celiyaan dhalashada Kenya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhawaan mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda oo ay kamid yihiin Ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ee dalka iyo wasiiru dowlaha madaxtooyada, Abshir Bukhaari laga soo celiyay dalka Kenya.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News