Sababtii ciidanka ajnabiga ay guriga Aadan Cadde u weerareen oo la ogaaday

Janaale (Caasimada Online) – Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida ee dhowaan weerarka ku qaaday guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan ee degmada Janaale, ayaa sidaas sameeyey kadib markii la siiyey warbixin sirdoon oo qaldan, sida saraakiil Soomaali ah ay sheegeen.

Ciidamada Soomaalida iyo kuwa ajnabiga ayaa guriga Aadan Cadde weeraray xilli saq-dhexe ah 4-tii bishan, waxayna kala baxeen saddex wiil oo da’doodu u dhaxeyso 15 illaa 20, sida ay sheegeen qoyska madaxweynihii hore. Halka ay jiraan saddexda wiil ayaan ilaaa hadda la ogeyn.

Sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya, oo si toos ah wax uga ogaa howlgalkan ayaa yiri “Waxaa nala siiyey warbixin sirdoon oo been abuur ahayd ka hor weerarka guriga Aadan Cadde, iyada ayaana ku dhaqaaqnay.

“Ciidamada Mareykanka ma aysan aqoon goobta weerarka iyo gurigaba, waxayna isku halleeyeen warbixin sirdoon oo been abuur ah, oo ay bixiyeen jaajuusiin deegaanka ka howlgala, kuwaas oo laga yaabo in mararka qaar ay qabyaalad darteed been u sheegaan” ayuu yiri sarkaalka oo la hadlay wargeyska The Guardian.

Sarkala kale oo sirdoon oo inta badan la shaqeeya ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa sheegay in inta badan ay dhacaan qaladaad ka dhasha been ay sheegaan jaajuusiin aan la isku haleyn karin.

Major Karl Weist, oo ah afhayeenka taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa xaqijiyey in ciidamada Mareykanka oo caawinaya kuwa Soomaalida ay howlgalka fuliyeen habeenkii afarta bisha September, 2018.

“Waxaa naloo sheegay in weerarka lagu beegsanayey shabakad Al-Shabaab oo qaraxyada sameysa, anaga waxaan taageereynay kaliya ciidamada Soomaaliya” ayuu yiri.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com