Saciid Deni oo ku dhowaaqay in uusan mar kale is-sharxi doonin balse uu dhisi doono…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horreysay si cad u sheegay in uusan mar saddexaad isu sharixi doonin xilka madaxweynaha Puntland marka la gaaro doorashada 2029, isaga oo meesha ka saaray hadal-heyn muddooyinkii dambe ka taagneyd qorshihiisa siyaasadeed.

Deni, oo la hadlayay dhallinyaro iyo haween ku sugan gobolka Mudug, ayaa sheegay in dastuurka Puntland uu qofka u oggol yahay inuu xilka madaxweynaha qabto laba xilli oo keliya, isaga oo xusay in labadaas xilli la doortay.

“Dastuurku laba jeer ayuu ii oggolaaday hoggaanka Puntland, labadii jeerna waa la ii doortay, laba sano ayaa ii hadhay,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Waxa uu intaas ku daray in qof kasta oo doonaya inuu hoggaamiyo Puntland uu isu diyaariyo inuu codka shacabka raadsado, isaga oo sheegay in qorshuhu yahay in doorashada soo socota lagu galo nidaam dadweynuhu codkooda si toos ah u dhiibtaan.

“Ninka doonaya xilka ha iskeeno doorasho xor ah oo waqtigeeda ku dhacda, xisbigeennuna musharrax ayuu yeelanayaa oo aan dhiseyno,” ayuu yiri.

Hadalka Deni ayaa sidoo kale xaqiijinaya in xisbiga talada haya ee Kaah uu musharrax cusub u soo bandhigi doono doorashada madaxtinimada ee 2029, inkasta oo uusan madaxweynuhu sheegin qofka uu taageeri doono ama sida musharraxa xisbiga lagu soo xuli doono.

Deni waxaa markii ugu horreysay madaxweynaha Puntland loo doortay 8-dii Janaayo 2019, waxaana 8-dii Janaayo 2024 dib loogu doortay muddo shan sano oo labaad.

Sidaas darteed, haddii jadwalka dastuuriga ah la ilaaliyo, muddadiisa labaad waxay ku egtahay Janaayo 2029.

Hadal-heyntii qodobka 79-aad

Hadalka cusub ayaa imanaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ay muddo ka digayeen suurta-galnimada in wax laga beddelo qodobka 79-aad ee dastuurka, oo khuseeya muddada xilka madaxweynaha.

Arrintaas ayaa si gaar ah u soo xoogeysatay markii maamulka Deni uu bilaabay dib-u-eegis iyo wax-ka-beddel lagu sameynayay qeybo ka mid ah dastuurka Puntland.

Hase yeeshee, baarlamaanka Puntland ayaa dhammaadkii bishii July ansixiyay wax-ka-beddello lagu sameeyay dhowr qodob oo dastuurka ka mid ah, iyadoo qodobka 79-aad aan lagu darin qodobbada la beddelay. Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka ayaa markaas sheegay in qodobkaas uusan qeyb ka ahayn soo-jeedintii xukuumaddu u gudbisay golaha.

Mucaaradka ayaa hore uga cabsi qabay in furitaanka dastuurka loo adeegsan karo in meesha laga saaro ama wax laga beddelo xaddidaadda muddada madaxweynaha, taas oo Deni u furi lahayd waddo uu mar saddexaad ku tartamo.

Hadalka madaxweynaha ee hadda ayaa si toos ah uga jawaabaya walaacaas, isaga oo caddeeyay inuu dhammeystiran doono muddada u harsan, balse aanu doonayn inuu mar kale magaca madaxweynaha ku tartamo.

Go’aanka Deni ayaa hadda indhaha siyaasadda Puntland u jeedinaya cidda noqon doonta musharraxa xisbiga Kaah iyo sida loo maareyn doono dhaxalka siyaasadeed ee madaxweynaha.

Kaah wuxuu noqon doonaa mid ka mid ah xisbiyada doonaya inay sii haystaan awoodda marka Deni meesha ka baxo, waxaana hadalkiisa laga dheehan karaa inuu door muuqda ku yeelan doono dhismaha iyo taageeridda musharraxa xisbiga.

Taasi waxay suuragal ka dhigeysaa in loollan gudaha ah uu ka dhex bilowdo siyaasiyiinta Kaah ee doonaya inay helaan taageerada madaxweynaha iyo hoggaanka xisbiga ka hor doorashada 2029.

Dhinaca kale, siyaasiyiin mucaarad ah ayaa durba wada dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed, iyadoo tartanka madaxtinimada uu u muuqdo inuu bilaabanayo waqti hore.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News