DENI oo qaadacay shirka madaxweyne Farmaajo uu ku baaqay ee Muqdisho

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa qaadacay shirka uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee la waqtiyeeyey inuu Muqdisho ka dhacvo 5-7 bisha July.

Deni oo ka hadlay xuska munaasabadda 1-da Luulyo ayaa shaaca ka qaaday inuu u hoggaansamay baaqii baarlamanka Puntland ee ahaa inaanu ka qeyb-galin shirkaas.

Golaha Wakiilada Puntland ayaa maalin ka hor waxay ay soo saareen 13 qodob, oo mid ka mid uu ahaa in Madaxweynaha Puntland ka baaqsado shirka Madaxweyne Farmaajo ku baaqey kadib markii, sida ay sheegeen Golaha Shacabka uu is dhexgeliyiyey doorashada 2020 iyo metelaada gobolka Banaadir.

“Waxaan soo dhaweynayaan baaqii kasoo baxay baarlamaanka Puntland 29-ka bisha lixaad ee 2020, taladooda ayaan ku shaqeynayaan anigoo ixtiraamaya hay’addaha dastuuriga ah ee Puntland,” ayuu yiri Deni.

“Waa dalka laga joojiyo siyaasadaha danaha ku dhisan ee keenaya jahwareerka iyo kala fogaanshiyaha Umadda Soomaaliyeed,” ayuu ku daray.

Deni ayaa sidoo kale ku baaqay in doorashada Soomaaliya ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, waxaana uu ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu iska ilaaliyo boor isku qarinta uu sida xun wax u doonayo oo aanu iska horkeenin Shacabka walaalaha iyo Xildhibaannadii fursada siiyay inuu Madaxweynaha ku noqdo.

“Umadda Soomaaliyeed waxay Muqdisho siisay wixii ugu wanaagsanaa oo ah in magaala madaxdii noqoto, sidoo kale waxay ku sharfeen maqaam iyadda gaar u ah oo inta kale magaalooyinka Soomaaliyeed la wadaagin…Waxaan madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya ugu baaqayaa in uu iska ilaaliyo inuu boor isku qarin, oo uusan six un wax u doonin oo shacabka walaalaha ah iyo Xildhibaanadii fursadda uu madaxweynaha ku noqdey siiyey uusan iska hor-keenin, joojiyana falalka ragaadinaya dhismaha dowladnimadda Soomaaliyeed oo ay ugu horeyso fashilinta qabsoomida doorashooyinka dalka ee 2020-21,” ayuu yiri.

Puntland ayaa ceeb iyo cambaareyn xooggan kala kulantay diidmada ay ka muujisay in dadka Muqdisho ay matalaad ku yeeshaan Aqalka Sare, taasi oo lagu macneeyey inay muujineyso sad-burisga mar kasta lagu eedeeyo Puntland.