Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa sare u qaaday hubinta iyo kormeerka lagu sameynayo lacagaha laga diro boqortooyada ee ku wajahan Imaaraadka Carabta, tallaabo muujinaysa in khilaafka siyaasadeed iyo dhaqaale ee labada dal uu galay heer cusub.
Sida ay ku warrantay wakaaladda Reuters, bankiyada Sacuudiga ayaa hadda lacagaha loo dirayo Imaaraadka marinaya baaritaanno dheeraad ah oo dhinaca shuruucda iyo la-dagaallanka dambiyada maaliyadeed ah, kuwaas oo sida caadiga ah lagu dabaqo waddamada loo arko inay khatar sare ka leeyihiin dhaqdhaqaaqyada lacagaha sharci-darrada ah.
Saddex qof oo arrintan si toos ah xog-ogaal ugu ah ayaa Reuters u sheegay in tallaabooyinkan, oo aan si rasmi ah loo shaacin, ay Imaaraadka geliyeen liiska in ka badan lix waddan oo gobolka ku yaalla oo hay’adaha Sacuudigu u arkaan kuwo u baahan hubin maaliyadeed oo dheeraad ah.
Ganacsato dhowr ah ayaa sidoo kale sheegay inay la kulmeen dhibaatooyin markii ay isku dayeen inay lacag u diraan Imaaraadka, iyadoo wareejinno lacageed oo ku baxayey lacago kala duwan ay bangiyada Sacuudigu dib u dhigeen ama dib ugu celiyeen dirayaasha iyada oo aan loo sheegin sabab cad.
Bangiga Dhexe ee Sacuudiga ayaa Reuters u sheegay in aysan jirin “xayiraado toos ah oo lagu soo rogay waddamo gaar ah”, halka mas’uul ka tirsan dowladda Imaaraadka uu sheegay in Wasaaradda Dhaqaalaha ee dalkaasi aysan helin cabashooyin uga yimid shirkadaha gaarka loo leeyahay oo la xiriira dib-u-dhac aan caadi ahayn oo ku yimid wareejinta lacagaha labada dal.
Hase yeeshee, warbixinta Reuters ayaa sii xoojineysa walaaca muddooyinkii dambe ka jiray ganacsatada iyo maalgashadayaasha gobolka ee ku saabsan in khilaafka u dhexeeya Riyadh iyo Abu Dhabi uu hadda si toos ah u saameynayo xiriirka ganacsi.
Bishii hore, Financial Times ayaa sidoo kale sheegtay in lacagaha ay bankiyada Sacuudiga u dirayaan akoonnada ku yaalla Imaaraadka, gaar ahaan kuwa shirkadaha iyo shaqsiyaadka ku leh Dubai, dib loo celinayey ama la hakinayey tan iyo bishii May.
Maamule reer galbeed ah oo ka tirsan shirkad caafimaad oo fadhigeedu yahay Dubai ayaa FT u sheegay in dhowr lacagood oo ay u soo dirtay shirkad muddo dheer macaamil kala dhexeyn jiray oo Sacuudiga ku taalla ay bangiyada Sacuudigu xannibeen kadibna dib u celiyeen.
Khilaaf meelo badan gaaray
Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa muddo dheer ahaa laba saaxiib oo aad isugu dhow, waxaana ay iska kaashadeen arrimo badan oo siyaasadeed, amni iyo dhaqaale oo gobolka Khaliijka ah.
Hase yeeshee, sannadihii ugu dambeeyay waxaa soo ifbaxayay khilaafyo sii kordhaya oo ku saabsan Yemen, siyaasadda shidaalka, saameynta gobolka iyo xiriirka ay la leeyihiin quwadaha caalamka.
Xiisadda ayaa si weyn u soo shaac baxday bishii December, markii Sacuudi Carabiya ay duqeyn cirka ah ku bartilmaameedsatay shixnad qalab militari oo Imaaraadku u waday Golaha Kumeel-gaarka Koonfurta Yemen (STC), oo ah urur gooni-u-goosad ah oo Abu Dhabi taageero.
Dhacdadaas kadib, taageerayaasha labada dowladood ee baraha bulshada, falanqeeyayaasha iyo qaar ka mid ah warbaahinta ayaa galay dagaal afka ah oo aan hore loogu baran xiriirka labada dal.
Bishii March, Imaaraadka ayaa xannibay akoonnada X ee telefishinka Al-Arabiya ee Sacuudiga, taas oo noqotay calaamad kale oo muujisay sida khilaafka labada dhinac uu uga gudbay kulamada qarsoodiga ah una soo baxay fagaaraha dadweynaha.
Kala duwanaanshahooda ayaa sidoo kale muuqday intii uu socday dagaalka Iran.
Imaaraadka ayaa qaatay mowqif aad u adag oo ku wajahan Tehran, iyadoo warbixinno la daabacay ay sheegeen inuu si firfircoon uga qeyb qaatay howlgalada militari ee ka dhanka ahaa Iran.
Sacuudiga, dhankiisa, wuxuu qaaday siyaasad dheellitiran, isagoo cambaareeyay weerarrada Iran ay ku qaaday waddamada Khaliijka, isla markaana u oggolaaday Mareykanka inuu adeegsado saldhigga King Fahd ee magaalada Taif, balse dhinaca kale ku cadaadiyay in xal diblomaasiyadeed laga gaaro dagaalka, isaga oo wadahadallo la xiriira arrintaas u marayay Pakistan.
Loollanka saliidda oo xoogeystay
Khilaafka labada dal ayaa sidoo kale si weyn uga dhex muuqday suuqa tamarta.
Bishii May, Imaaraadka ayaa ka baxay Ururka Dalalka Dhoofiya Shidaalka ee OPEC kadib ku dhowaad 60 sano oo uu xubin ka ahaa ururka ay Sacuudi Carabiya hoggaamiso.
Abu Dhabi ayaa kadib sare u qaaday wax-soo-saarkeeda shidaalka, tallaabo sii kordhisay tartanka dhaqaale ee labada waddan.
Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa sidoo kale sannadihii dambe ku tartamayay sidii mid kasta uu xarun ganacsi iyo maalgashi ugu noqon lahaa gobolka, iyadoo Riyadh ay shirkadaha caalamiga ah ku cadaadineysay inay xarumahooda gobolka u soo wareejiyaan Sacuudiga si ay u helaan qandaraasyada dowladda.
Dubai ayaa muddo dheer ahayd xarunta ugu weyn ee ganacsiga iyo maaliyadda Bariga Dhexe, balse Sacuudiga ayaa hadda isku dayaya inuu qayb weyn ka helo maalgelinta iyo ganacsiga caalamiga ah ee gobolka.
Middle East Eye ayaa bishii July xaaladda labada dal ku tilmaantay “dagaal dhaqaale oo daal badan”, iyadoo sheegtay in qaar ka mid ah madaxda shirkadaha ay bilaabeen inay diyaarsadaan qorshayaal kale oo ganacsi haddii xiriirka Riyadh iyo Abu Dhabi uu kasii xumaado.
Adkeynta cusub ee lagu sameeyay wareejinta lacagaha ayaa sidaas darteed noqon karta mid ka mid ah tallaabooyinka ugu muuqda ee muujinaya in khilaafkii siyaasadeed ee labada quwadood ee Khaliijka uu hadda si tartiib ah ugu sii gudbayo ganacsiga, bangiyada iyo dhaqaalaha.

