Sacuudiga, Soomaaliya iyo 12 dal oo ku dhowaaqay isbaheysi militari oo cusub

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Riyaad (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya, Soomaaliya iyo 12 dal oo kale ayaa ku dhawaaqay dhismaha isbaheysi militari oo dhinaca badda ah, kaas oo lagu ilaalinayo xorriyadda isu-socodka maraakiibta ee marinnada Bab al-Mandab, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa bayaan ay soo saartay Khamiistii ku sheegtay in Isbaheysiga Difaaca Badaha ee Dalalka Badan loo aasaasay qaab lagu xoojinayo iskaashiga wadajirka ah ee difaaca badda.

Dalalka xubnaha ka ah isbaheysiga ayaa sheegay inay doonayaan inay ilaaliyaan xorriyadda isu-socodka maraakiibta, ammaanka waddooyinka ganacsiga caalamiga ah iyo marinada loo adeegsado dhoofinta tamarta.

Bab al-Mandab, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa sameeya marin istaraatiiji ah oo isku xira Badweynta Hindiya iyo Badda Mediterranean-ka.

Dhismaha isbaheysigan ayaa kusoo beegmaya xilli dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Iran uu xooggiisu ku ururay marinka Hormuz, kaas oo xiritaankiisa ku dhowaad dhammeystiran uu culeys weyn ku keenay dhaqaalaha caalamka.

Marinka Hormuz ayaa horey u qaadi jiray ku dhowaad 20 boqolkiiba dhoofinta saliidda iyo gaaska dunida.

Dhanka kale, marinka isku xira Bab al-Mandab, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa wajahaya weerarro isdaba joog ah oo ay fulinayaan dagaalyahannada Xuutiyiinta Yemen ee ay Iran taageerto.

‘Mas’uuliyad wadajir ah’

Wakiillo ka socday 43 dal oo ka mid ah 51 dal oo lagu casuumay ayaa ka qeyb galay kulankii lagu aas-aasay isbaheysiga.

Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa sheegtay in wafdi ka socday Midowga Yurub uu sidoo kale kulanka ka qeyb galay.

Midowga Yurub ayaa horey Badda Cas uga fulinayay howlgal lagu ilaalinayo maraakiibta oo lagu magacaabo Aspides, inkasta oo aysan caddayn sida isbaheysiga uu Sacuudigu hoggaaminayo uga duwanaan doono howlgalkaas.

Dalalka kale ee la sheegay inay saxiixeen heshiiska isbaheysiga ayaa kala ah Turkiga, Kuwait, Bahrain, Qatar, Jordan, Masar, Pakistan, Jabuuti, Soomaaliya, Bangladesh, Yemen, Sudan iyo Comoros.

Waxaa si gaar ah loo xusay in Imaaraadka Carabta iyo Cumaan aysan ku biirin isbaheysiga, inkasta oo ay leeyihiin dano amni oo la mid ah kuwa dalalka xubnaha ka noqday, gaar ahaan marka la eego colaadda ku saleysan Iran.

“Albaabka wuxuu u furan yahay dalalka kale ee doonaya inay ku biiraan axdiga isbaheysiga, marka ay dhammaystiraan habraacyadooda qaran,” ayaa lagu yiri bayaanka Wasaaradda Difaaca Sacuudiga.

Dalalka ka qeybgalaya ayaa sidoo kale sheegay inay wadaagaan “aaminaadda ah in ammaanka baduhu yahay mas’uuliyad wadajir ah, isla markaana iskaashiga iyo isku-duwidda dalalku ay yihiin tiirka ugu muhiimsan ee lagu wajahayo khataraha badda ee wadajirka ah iyo kuwa ka gudba xuduudaha.”

Bayaanka laguma sheegin maraakiibta ama diyaaradaha uu dal kasta ku biirin doono howlaha isbaheysiga.

Hase yeeshee, howlaha la qorsheeyay ayaa waxaa ka mid noqon doona wadaagista sirdoonka iyo macluumaadka, qorsheynta howlgallada, qabashada dhoolatusyo wadajir ah iyo fulinta howlgallo dhinaca badda ah.

Isbaheysiga ayaa lagu tilmaamay mid “difaac oo keliya ah, oo aan lagu bartilmaameedsanayn dowlad gaar ah.”

Sacuudi Carabiya ayaa loo aqoonsaday xubin aas-aase ah, waxaana dalkaas laga dhigi doonaa xarunta dhexe ee isbaheysiga, inkasta oo aan bayaanka lagu caddeyn halka saxda ah ee xaruntu ku taallaan doonto.

Muhiimadda Bab al-Mandab

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa toddobaadkii hore ku soo rogtay Sacuudi Carabiya xannibaad dhinaca badda ah, taas oo carqaladeysay shixnadihii saliidda ee loo wareejiyay dhinaca Badda Cas.

Tan iyo markii uu dagaalka Iran billowday dabayaaqadii bishii Febraayo, isla markaana uu si dhab ah u xirmay marinka Hormuz, Sacuudi Carabiya waxay awoodday inay sii waddo dhoofinta inta badan saliiddeeda.

Arrintan ayaa waxaa u suurageliyay dhuunta shidaalka ee Bariga iyo Galbeedka, taas oo warshadaha sifeynta saliidda ee bariga Sacuudiga ku xirta dekedda Yanbu ee xeebta Badda Cas.

Saliidda Sacuudiga ee halkaas laga dhoofiyo waa inay martaa Bab al-Mandab, oo ku yaalla inta u dhexeysa Eritrea, Jabuuti iyo Yemen.

Gobolka galbeed ee Yemen ee ku wajahan marinka muhiimka ah ayaa waxaa gacanta ku haya Xuutiyiinta, taas oo kooxda siinaysa awood istaraatiiji ah oo ay ku bartilmaameedsan karto maraakiibta ku socda Badda Cas.

Qiyaastii 10 ilaa 12 boqolkiiba ganacsiga badda ee caalamka ayaa mara Bab al-Mandab, waxaana ka mid ah malaayiin fuusto oo saliid ah maalintii.

Marinkani sidoo kale waa mid ka mid ah labada marin ee laga galo ama looga baxo Badda Cas, halka kan kale uu yahay Kanaalka Suweys.

Bab al-Mandab ayaa meesha ugu ciriirisan ballaciisu yahay 29 kiiloomitir, taas oo isu-socodka maraakiibta ku koobeysa laba marin oo ay kala isticmaalaan maraakiibta soo galeysa iyo kuwa ka baxaya.

Sidaas darteed, carqalad kasta oo ka dhacda aaggaas waxay sababi kartaa sare-u-kac cusub oo ku yimaada qiimaha tamarta caalamka.

- Advertisement -

Read more

Local News