Saddex dal oo qeyb ka noqon kara dagaalka cusub ee Tigray

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Tigray (Somalia Today)  Xiisadihii ugu dambeeyay ee ka soo cusboonaaday gobolka Tigray ee Itoobiya, oo ay ka mid yihiin madaafiic culus iyo weerarro loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, ayaa sii kordhiyay cabsida laga qabo in dagaal kale ka qarxo waqooyiga dalka, iyadoo ay jirto walaac ah in dalal shisheeye ay colaadda sii hurin karaan.

Maxay tahay xaaladda iminka?

Muddo dhowr bilood ah, ciidamada dowladda federaalka Itoobiya ee ENDF iyo kuwa Tigray ee TDF ayaa isku hor fadhiya deegaanno ku teedsan xadka Tigray.

Ciidamada la soo dhoobay ayaa kusoo beegmaya xilli xiriirka u dhexeeya dowladda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed iyo hoggaanka Tigray uu sii xumaanayo.

Tigray waxaa saameyn weyn ku leh Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray ee TPLF, xisbigii Itoobiya xukumayay intii u dhexeysay 1991 iyo 2018, balse hadda dowladda federaalka ay mamnuucday.

Labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeynaya inuu doonayo inuu dib u huriyo dagaal, kaddib colaaddii dhiigga badani ku daatay ee socotay 2020 ilaa 2022, taas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 600,000 oo qof.

Heshiiskii nabadda ee Pretoria ayaa dagaalkaas soo afjaray, waxaana xigay xasillooni jilicsan oo socotay ilaa dabayaaqadii 2025, markaas oo ay mar kale isku dhaceen ciidamada federaalka iyo kuwa Tigray.

Maxaa dhacay tan iyo markaas?

1-dii Agoosto, TPLF ayaa ku eedeysay ciidamada ENDF inay madaafiic culus ku weerareen ciidamadeeda ku sugan Shererina, oo u dhow xadka Sudan.

Dowladda Itoobiya si shaacsan ugama hadlin iska horimaadyadaas, hase yeeshee hay’adda ACLED ee la socota colaadaha ayaa xaqiijisay inay dhaceen.

Isniintii, TPLF ayaa sidoo kale sheegtay in diyaarado aan duuliye lahayn lagu duqeeyay ciidamo Tigray ah oo ku sugnaa koonfurta gobolka.

Mas’uul caafimaad oo deegaanka ah ayaa AFP u sheegay in ugu yaraan afar askari oo Tigray ah ay ku dhaawacmeen weerarradaas.

Maxay tani ka dhigan tahay?

Cameron Hudson, oo ah falanqeeye ka tirsan xarunta CSIS ee Washington, ayaa sheegay in dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ugu dambeeyay ay “kordhinayaan suurta-galnimada dagaal cusub”.

Jalale Getachew Birru, oo ka tirsan ACLED, ayaa sheegtay in horraantii 2024 ciidamada Tigray lagu qiyaasayay ku dhowaad 270,000 oo askari.

“Hase yeeshee, lama hayo xog ku saabsan tirada ay hadda yihiin ciidamada TDF, maadaama ay weli wadaan qorista askar cusub,” ayay tiri, iyadoo sheegtay in qaar ka mid ah qoristaasi ay tahay mid qasab ah.

Dhanka kale, dowladda federaalka Itoobiya ayaa sanad ka hor billowday soo saarista diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Khubarada la socda colaadda ayaa aaminsan in hubkan uu dowladda ka caawiyay inay 2021 joojiso horusocodkii ciidamada Tigray ee kusii jeeday Addis Ababa.

“TPLF waxay u muuqataa inay dagaal cusub geli karto iyadoo aad uga tabar yar sidii ay ahayd dagaalkii hore. Waxayna hadda si weyn ugu tiirsan tahay dhinacyo shisheeye,” ayuu yiri Hudson.

Waa kuwee dhinacyadaas?

Madaxweyne ku xigeenka TPLF, Amanuel Assefa, ayaa AFP u sheegay in kooxdu diyaar u tahay inay la shaqeyso “cid kasta oo la dagaallameysa dowladda federaalka Itoobiya”.

Mas’uuliyiinta Itoobiya ayaa TPLF ku eedeeyay inay xiriir la sameysatay Eritrea iyo maleeshiyada Fano ee gobolka deriska la ah ee Amhara, kuwaas oo hubka u qaatay dowladda Addis Ababa sanadkii 2023.

Eritrea iyo Fano waxay muddo dheer cadow u ahaayeen TPLF, waxayna dagaalkii hore garab istaageen ciidamada federaalka Itoobiya.

Hase yeeshee, xiriirkooda Abiy Ahmed oo xumaaday ayaa markii dambe beddelay xulafeysigii hore.

Yaa kale oo ku soo biiri kara?

“Waxa iiga walaac badan ayaa ah in marka la barbar dhigo dagaalkii hore ee Tigray, hadda ay jiraan dhinacyo shisheeye oo badan oo colaaddan jiho kale u jiidi kara,” ayuu yiri Hudson.

Ciidamada Sudan, oo tan iyo 2023 dagaal kula jira xoogagga RSF, ayaa Itoobiya ku eedeeyay inay RSF u oggolaatay inay dhul Itoobiyaan ah ka abaabulaan howlgallo ka dhan ah Sudan.

Addis Ababa weli kama aysan jawaabin eedeymahaas.

Dhanka kale, Masar iyo Itoobiya waxaa muddo dheer ka dhex taagnaa khilaaf ku saabsan biyo-xireenka weyn ee Itoobiya ka dhistay webiga Nile, kaas oo Qaahira u aragto “halis ku wajahan jiritaankeeda”.

“Dagaalkii hore wuxuu inta badan ku koobnaa gudaha Itoobiya. Haddii dagaal cusub qarxo, waxay u badan tahay inuu soo jiito dalalka deriska ah sida Sudan iyo Eritrea,” ayuu yiri Kjetil Tronvoll, oo ah khabiir ku takhasusay gobolka kana tirsan Oslo New University College.

“Wuxuu noqon karaa dagaalkii labaad ee adduunka ee Afrika,” ayuu yiri, isagoo ula jeeday dagaalkii Congo ee 1998 ilaa 2003, kaas oo ay ku lug lahaayeen sagaal dal oo Afrikaan ah.

Ma jirtaa waddo diblomaasiyadeed?

Olusegun Obasanjo, ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Geeska Afrika, ayaa bishii Juun booqday Mekelle, caasimadda Tigray.

Madaxweynihii hore ee Nigeria ayaa “bilaabay hannaan wada-hadal oo ku saabsan heshiiskii Pretoria”, sida uu AFP u sheegay diblomaasi Afrikaan ah oo codsaday inaan magaciisa la shaacin.

Midowga Afrika, oo dhex-dhexaadiyay heshiiska Pretoria, weli wax war ah kama soo saarin iska horimaadyadii ugu dambeeyay.

Mareykanka, oo door ka qaatay soo afjaridda dagaalkii hore, ayaa dhanka kale si weyn uga maqnaa dadaallada diblomaasiyadeed ee hadda socda.

“Washington waa inay door muhiim ah ka qaadataa dejinta xiisadda gobolka, laakiin waxay isku dayeysaa inay dhinac walba raalli geliso, iyadoo isla mar ahaantaana raacaysa danaheeda gaarka ah,” ayuu yiri Hudson.

Wuxuu sheegay in dagaal cusub uu “saameyn aad u weyn” ku yeelan karo danaha Mareykanka ee la xiriira amniga iyo marin-biyoodka gobolka.

“Haddana ma muuqato wax dadaal diblomaasiyadeed oo Mareykanku ku doonayo inuu kaga hortago dagaal cusub.”

- Advertisement -

Read more

Local News