Xildhibaanada Somalia oo ‘mudo kororsi sameysanaya’

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in ayada oo maanta ay ku beegan tahay saddex sano kadib markii la dhaariyey xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya, ay xildhibaanadu doonayaan inay sameystaan muddo kororsi sharci-darro ah.

Mahad Salaad oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook ayaa sheegay in qodobka 53-aa ee sharciga doorashooyinka ee baarlamanka horyaalla uu “xeerinayo xeerinayaa mudo kordhin loo sameeyo goleyaasha barlamaanka.”

“Qodobka 53-aad ee sharcigaan wuxuu xeerinayaa in MUDO KORDHIN loo sameeyo goleyaasha Barlamaanka. Waxa uuna si cad uga hor imaanayaa qodobbada 60-aad iyo 91-aad dastuurka ee xeerinaya in muddada xilhaynta goleyaasha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha JFS mid walba ku madalsan tahay afar sano.”

“Saddex sano kadib, halkii nalaga sugayay in dalka aan gaarsiino doorasho qof iyo cod ah in maanta na lugu mashquuliyo doorasho lama qaban karo ee mudo kororsi aan sameysano waa nasiib daro aad u weyn. Umana maleynayo masiibo ka wayn oo dalkaan lugaha aan u gelin lahayn in ay jirto” Ayuu yiri Mahad Salaad.

Haddaba maxaa ku qoran qodobka 53-aad ee sharciga doorahsooyinka:-

Qodobka 53-aad: Dib-u-dhaca Doorashooyinka

1. Muddada xilhaynta Goleyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo madaxda la doortay wuxuu shacabku u idmaday muddo cayiman oo ku xadiddan Qodobbada 60aad iyo 91aad ee Dastuurka;
2. Muddada qabashada doorashooyinka heer federaal waxay dib ugu dhici kartaa oo keliya haddii ay jiraan daruufo adag oo saameeya dalka oo dhan ama kala bar oo aan suurtagal ka dhigayn in doorasho la qabto;

  1. Daruufaha adag ee ku xusan faqradda 2aad ee qodobkan waxaa ka mid ah:
    a. Nabadgelyo-darro baahsan oo dalka dhan ka dhacdo;
    b. Aafooyinka dabiiciga ah sida dhulgariirka, cudurada faafa, abaarro, fatahaado wabiyada, daadad xoog badan iyo duufaanno; iyo
    c. Arrimo farsamo oo aan la’aantood doorashada qabsoomi karin.
  2. Xaaladaha lagu soo sheegay faqaradda 3aad ee qodobkan haddii ay ku kooban tahay hal degmo, gobol ama dowlad goboleed iyo wax ka yar kala bar dalka, dib-u-dhaca doorashadu wuxuu saameynayaa keliya goobaha lagu xusay faqraddan.
  3. GMDQ marka ay qiimeeyaan daruufaha ku xusan faqradda 3aad ee qodobkan iyo muddada uga degdegsan ee lagaga bixi karo, waxay warbixintooda oo sababeysan kuna caddahay baaxadda ay duraafaha saameeyeen oo jadwal-shaqana leh u soo gudbinayaan Goleyaasha Baarlamaanka Federaalka si ay go’aan uga gaaraan.
  4. GMDQ waxay BFS ka codsan karaan muddada cusub ee doorashadu ku qabsoomi karto oo aan ka badnayn Lix (6) Bilood;
  5. Haddii xaaladaha ku xusan faqradda 3aad aan lagu xallin muddada ku xusan faqradda 6aad oo GMDQ caddeeyo ineysan doorashadu muddadaas ku qabsoomi karayn, xubnaha Goleyaasha 24 Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sii wadaya waajibaadkooda Dastuuriga ah ilaa doorashada laga qabto.